Xog: Baarlamanka oo beri go’aan ka gaaraya wax ka beddelka Dastuurka dalka

Muqdisho (Caasimada Online) -Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maalinta berri ah kulan wadajir ah ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa, sida lagu sheegey farriin ogeysiis oo loo wada diray xildhibaannada labada aqal.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa go’aan looga gaari doonaa wax ka beddalka Dastuurka, sida lagu sheegay qoraalka loo diray xildhibaanada Soomaaliyeed.

Ajendaha kulanka ayaa ah akhrinta 3-aad iyo u codeynta habraaca ansixinta wax ka beddalka Dastuurka, oo haatan dood xoogan ay ka taagan tahay.

“Xildhibaanada sharafta leh berri oo Arbaco ah, taariikhduna tahay 24.01.2024, waxaa jira kulan labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ajendaha akhrinta 3aad iyo u codeynta habraaca ansixinta wax ka beddalka Dastuurka” ayaa lagu yiri farriinta loo diray xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa farriinta loo diray xildhibaanada looga codsaday inay waqtiga ilaaliyaan, maadaama kulankan uu yahay mid muhiim ah oo go’aan looga gaarayo Dastuurka.

“Goobta: Villa Hargeysa, waqtiga 9:00 subaxnimo waxaa laga codsanayaa xildhibaanada sharafta leh inay ilaaliyaan waqtiga, Mahadsanidiin” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo madaxdii hore ee dalka iyo kuwa mucaaradkaba ay kasoo horjeesteen in xilligan loo dhaqaaqo wax ka beddal Dastuurka KMG ka ah.

“Waxaan ka digayaa halista ku geedaaman isku-dayga ay Madaxtooyadu ku doonayso in ay ku beddesho Dastuurka Dalka iyadoo aan loo marin habraaca uu qeexayo Cutubka 15aad ee Dastuurka. Waa tallaabo khatar ku ah xasilloonida Dalka iyo wadajirka ummadda, Soomaaliyana u horseedi karta khilaaf hor leh iyo hubanti la’aan siyaasadeed” ayaa ku yiri warsaxaafadeed uu maanta soo saaray ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre.

Farmaajo ayaa isna muujiyay walaac xoogan, wuxuuna arrintan ka yiri “Waxaan ka walaacsannahay qorshaha Madaxtooyada ee lagu laalayo dastuurka iyo hannaanka maamul ee dalka, kaas oo ay ka dhalanayso qalalaase siyaasadeed oo wiiqaya hannaanka ku saleysan Federaalka iyo wadatashiga ee heshiiska lagu yahay”.

Sheekh Shariif ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Waxaa habboon in arrimaha wax ka beddelka Dastuurka loo raaco hab raaca uu tilmaamayo Dastuurka kumeel gaarka ah, waqtina la siiyo wadatashiga iyo ra’yi aruurinta arrimaha wax ka beddelka Dastuurka, si looga fogaado khilaaf cusub iyo kala aragti fogaansho uusan dalku marxaladdaan qaadi karin.