Daawo: Dad isku qoys ah oo lagu laayay GALGADUUD

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xanuun badan oo maanta ka dhacday qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, taas oo lagu laayay dad isku qoys ahaa.

Falkan argagaxa leh ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan hoostaga magaalada Xeraale ee gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu dilay Aabe iyo Wiilkiisa, sidoo kalena lagu dhaawacay hooyadii qoyska, kadib markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen maleeshiyaad hubeysan.

Marxuumiinta ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Faarax Siyaad iyo wiilkiisa Bashiir Faarax Siyaad, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaaanka.

Mid kamid ah waxgaradka deegaanka oo la hadlay Shabelle TV ayaa ka warbixiyay dhacdadaasi, isaga oo uu tilmaamay inay aad uga naxeen dadkaas la laayay.

“Waxaan ka warbixineynaa dhacdo dhacday oo fool xun oo ka dhacday deegaanka Xeraale qayb kamid ah dhacdadaas oo lagu laayay dad rag iyo dumarba leh reer dhan oo aan waxba loo reeban reerkaas oo Aabihii la dilay oo wiilkiisa la dilay oo hooyadii la dhaawacay oo aan waxba looga tegin” ayuu yiri mid kamid ah waxgaradka ku dhaqan deegaankaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhibaatadan ay gaysteen maleeshiyaad kasoo jeeda dhanka degmada Caabudwaaq, ayna ka baxsadeen goobta, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa weeye dadkaas dadka dilay deegaankooda waa Caabudwaaq, dadku waa dhintaa laakiin sida uu u dhintay ama aan la kala reebin rag iyo dumar waa dhacdo aad u fool xun xittaa xoolihii ayaa qaar la dilay, qaarna la dhaawacay” ayuu mar kale yiri.

Oday kale oo kamid ah bulshada deegaanka ayaa isna farriin u diray dowladda Soomaaliya iyo Galmudug, wuxuuna ka codsaday inay soo qabtay dambiileyaasha falkaas gaystay.

“Waxaan codsi u dhahay dowladda Soomaaliya iyo Galmudug in arrintaan ay wax ka qabtaan, gaar ahaan dadka dariska ah oo isku soo dheelmano” ayuu yiri oday kale.