Sawirro: Xasan Sheekh iyo Amiirka Qatar oo tababar usoo xiray saraakiil cusub

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Qatar ayaa isaga iyo Amiirka dalkaasi Amiir Tamiim Binu Xamad waxay si wadajir ah tababar ugu soo xireen saraakiil ka tirsan ciidanada cirka ee dalalka Soomaaliya, Qatar iyo Urdun.

Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa iskala qayb-galay munaasabad ay ku qalanjabinayeen saraakiil ka tirsan ciidamada cirka ee dalalka Soomaaliya, Qatar iyo Urdun, taas oo ka dhacday magaalada Dooxa, waxaana goobjooga wasiiro ka tirsan labada dowladood.

Waxaa xusid mudan in ciidanka saddexda dal oo qaatay tababar dhanka Taakuleynta Ciidanka Cirka ah uu kaalinta koowaad u galay Cabdullaahi Xuseen Xasan oo ka mid ah Halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Intaas kadib Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Amiirka Qatar Amiir Tamiim Binu Xamad oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo xaaladda gobolka.

Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Amiirka sida ay u garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo xilligan la daala dhacaya dhibaatooyin kala duwan.

Waxaa kale oo uu dul istaagay iskaashiga iyo xiriirka taabbo-galka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar, isaga  uga mahadceliyey Amiir Tamiim Binu Xamad iyo Xukumadda dalkaas go’aanka walaalnimada ah ee ay ku garab istaageen midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo safka hore kaga jira dalalka walaalaha ah ee mowqifka cad ka qaatay faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay gobanimada Soomaaliya.

Dhankiisa Amiir Tamiim Binu Xamad ayaa la wadaagay madaxweynaha  taageerada iyo garab istaagga ay u hayaan dowladnimada, midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Sidoo kale tilmaamay khatarta ay leedahay in Geeska Afrika iyo Badda Cas laga abuuro degenaansho la’aan saameysa xasilloonida dalalka iyo wada noolaanshaha shucuubta Gobolka.

Qatar ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee sida u dhow ula shaqeeya dowladda federaalka, waxayna taageero mashaariicyo kala duwan ka fulisaa gudaha dalka.