Faahfaahin: Askari ka tirsan ciidamada Somaliland oo lagu toogtay Boorama

Boorama (Caasimada Online)  – Faah-faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya dil xalay xiligii dambe duleedka magaalada Boorama loogu geystay Askari ka tirsan ciidamada Booliska Somaliland, kaasi oo ilaalo ka ahaa goob laga qodayey ceel biyood.

Askarigan ayaa lagu toogtay deegaanka Abu-qays oo ku yaala duleedka magaalada Boorama, halkaasi oo Ceel ay ka qodeysay shirkada biyaha ee Shaba.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Askariga lagu dilay weeraar gaadmo ah oo ay soo qaadeen koox dhalinyaro ah oo aan la aqoonsan haybtooda, kuwaasi oo toogtay Askariga waqti uu ku jiray hurdo.

Kooxda dilka geysatay ayaa ilaa hadda si rasmiya loo ogeyn, iyada oo ay mudooyinkii dambe ay jirtay Jabhad ka soo horjeeda Xukuumada Muuse Biixi oo ku sugan deegaano ka tirsan duleedka Boorama.

Caasimada Online oo xiriir la sameysay xubno ka tirsan Shirkada biyaha Boorama ee Shaba oo Askariga la toogtay uu ilaalo ka ahaa Ceelkooda, ayaa sheegay inaysan garaneyn sababta lagu bartilmaamedsaday Askarigaasi, iyagoona xusay inay ka war-sugayaan baaritaanka ciidamada.

Ciidamo ka tirsan Booliska oo tagay goobta dilkaasi ka dhacay, ayaa waxay baaritaano ka bilaabeen deegaankaasi, iyagoona ka gaabsaday inay hadda wax war ah ka bixiyaan dilka loo geystay Askarigaasi.

Wararka qaar ayaa sidoo kale waxay sheegayan in dilka loo geystay Askarigaasi ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliland uu salka ku hayo arrimo qabiil, inkasta oo si rasmiya loo ogeyn.

Ilaa iyo haddana ma cada in dilkaasi ay geysteen Ciidamo taabacsan Jabhada uu hogaamiyo Suldaan Wabar, oo iyadu dagaal kula jirta Xukuumada, isla markaana dhowr jeer hanjabaado kala duwan u dirtay xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online