25 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Faahfaahin: Ilaalada Xildhibaan Samro oo dad shacab ah ku rasaaseeyay Muqdisho.

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilaalada Xildhibaan Samro Ibraahim Cumar oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Dad shacab ah waxa ay ku rasaaseeyeen Nawaaxiga Isgoyska Taleex ee degmada Hodan , waxaana ku dhintay Rasaastaasi 2 qof oo shacab ahaa halka 2 kalana ay ku dhaawacmeen.

Nasiib wanaag waxaa Ciidamada Ammaanka ayaa Joojiyay Gaariga Xildhibaan Samro Ibraahim Cumar oo ah Nuuca Qooqanta ah iyagoona hubkii ka dhigay ilaaladeeda islamarkaana u taxaabay Xabsi ku yaalla Xarunta Dambi barista ee CID halkaas oo haatan su’aalo lagu weydiinayo.

Xildhibaan Samro Ibraahim Cumar ayaa ka mid ah 8-da Kursi oo ay Laashay Maxkamadda Sare ee Dalka walow Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay isku raaceen in 8-daas Kursi yihiin kuwo Sharci ah.

Waxaa xusid mudan in dadka rasaastaas ku dhaawacmay uu kamid ahaa askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo taagna jidka ay mareysay xildhibaanada.

Wixii faahfaahin ee kusoo kordha waa idinla socodsiin doonaa Inshaa Alla

 

- Advertisement -

Read more

Local News