28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Faahfaahin iyo xog ku saabsan wariyaha gaarka ah ee la sheegay in loo sameyeey Farmaajo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxay warar sheegayo in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo magacaabay wariye u gaar ah kaasoo soo gudbin doonoqo aqbaaraadka ku saabsan waxqabadka Madaxweynaha.

Agaasinka cusub ee Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa qaaday tallaabadan, kaasoo is bedel ku sameeyay Warfaafintii Madaxtooyada, isagoo ku soo kordiyay shaqsiyaad dhiig cusub ah.

Cali Baashi C/llaahi Cabdi oo muddo ka shaqeynayay Warbaahinta Gaarka loo leeyahay ayaa loo qaatay inuu noqdo Wariyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Haddaba Caasimadda Online ayaa heshay xog ku saabsan Magacaabistaan la sheegay inuu sameeyey Agaasinka cusub ee Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed.

Waxay illo wareedyo ku dhaw dhaw Agaasinka cusub ee Warfaafinta Madaxtooyada Caasimadda Online u xaqiijiyeen inuu Cabdinuur sameeyey soo jeedintaas, isagoo ka codsaday wasaaradda Warfaafinta inay Cali Baashi ku daraan Shaqaalaha Wasaaradda.

Cabdinuur ayaa wasaaradda Warfaafinta ka sugayo inay codsigiisa aqbalaan, isla markaana ay Cali Baashi u aqoonsadaan inuu yahay Wariye ka tirsan Warbaahinta Dowladda, gaar ahaan Wariyaha Madaxweynaha.

Maadaama Cali Baashi uusan horey uga mid aheyn Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, waxay Madaxtooyada Villa Soomaaliya qorsheeneysaa inay iyada bixiso Mushaarka wariyaha loo sameenayo Madaxweynaha.

Marka Wasaaradda Warfaafinta ay waraaqda shaqada soo siiso Cali Baashi ayaa la filayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo magacaabistiisa, wararka hadda la helayna waa kuwa hordhac ah oo aan weli si rasmi ah loo soo bandhigin.

Cali Baashi ayaa horay uga soo shaqeeyey Warbaahinta Madaxa banaan ee kala duwan, waxaan uu ka mid ahaa wariyaashi Idaacadii HornAfrik, sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa aas aasayaashii Idaacada Kulmiye.

Cali Baashi C/llaahi Cabdi  Ka hor inta aan loo magacaabin Wariyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu ahaa Madaxa Guud ee Wararaka TV Universal oo ka mid ah talafashinada gaarka loo leeyahay ee ugu afka dheer Soomaaliya, waxaana uu wax ka bartay Jaamacadda SIMAD.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News