Askari hore oo dil fool-xumo badan u geystay xaaskiisa oo uur laheyd

Muqdisho (Caasimada Online)  –Warar naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhaxe, ayaa sheegaya in mid kamid ah dadka deegaanka oo Khaarijiyay Xaaskiisa oo uur leh, kadib markii uu soo kala dhex galay muran.

Dilkaani foosha xun ayaa ka dhacay Tuulo lagu magacaabo Tugaarey waxaana lasoo sheegayaa in ninkaasi dilay Xaaskiisa uu maalmahaani danbe ahaa mid ku goodinaayay inuu dilaayo Xaaskiisa.

Ninka dilka geystay ayaa lagu magacaabaa C/Laahi Isaaq, halka Haweeneyda uu dilay lagu magacaabi jiray Faay C/Qaadir.

Muranka sababay dilka ayaa ku saleysnaa mid nolosha guriga waxa uuna ninkaasi dilka ku fuliyay qoray u yiilay Hooygiisa.

Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in ninka dilay Xaaskiisa uu horay uga mid ahaa Ciidamada dowlada, balse markii danbe uu isaga baxay Ciidanka kadib markii uu dowlada ka waayay xuquuqdiisa.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ninka dilay Xaaskiisa uu ka baxsaday goobta balse Ciidamada amaanka ay wadaan baaritaano lagu baadi-goobaayo gacan ku dhiiglaha.

Dalka ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal ay Ciidamada dowlada u geystaan Xaasaskooda waxaana taa loo sababeeyay inay keento Xuquuq la’aanta Ciidamada oo muran ka dhex dhalisa qoysaska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com