Falaago ka dagaalanta Ukraine oo la magac baxay “Dagaalyahanada Soomaalida”

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida lagu baahiyay warbaahinta caalamka dagaalyahaanada ka garab dagaalama Russia ee iminka gacanta ku haya Gobalka Donetsk ee dalka Ukraine, ayaa shaaca ka qaaday inay u dagaalamayaan sida Somalia.

Qoraal lagu daabacay wargeyska Newsweek ayaa lagu sheegay in Dagaalamayaashani ay ku dagaalami doonaan tabta ay u dagaalamaan dagaalamayaasha Somalia.

Wargeyska oo xiganaaya Mr Mikhail Tolstykh oo ah Taliye deegaan, oo iminka ku dhaqan degmadda Ilovaisk ayaa xaqiijiyay in dagaalka ay uga dayan doonaan sida Soomaalida.

Mikhail Tolstykh, ayaa sheegay in tabta uu iminka u socdo dagaalka uu yahay mid meel wanaagsan maraayo, waxa uuna cadeeyay in dhacdooyinka Dagaalka ay yihiin kuwo ka duwan kuwii hore.

Taliyaha oo lagu naaneyso Taliye Givi, ayaa sheegay in ciidamada Ukraine oo ku sugan Gacanka ay wataan Hubka fudud oo aad u farabadan iyo Hal Madfac oo ay isku difaacayaan.

Taliye Givi, ayaa sheegay in ciidamadaani uu Hogaaminaayo Taliye lagu magacaabo Motorola waxa ayna ka kooban yihiin 107 Askari.

Taliye Motorola, ayaa sheegay in ciidamadiisa ay u dagaalami doonaan sida ay u dagaalamaan dagaalamayaasha Somalia, waxa uuna tilmaamay in ciidamadiisa uu ugu magac daray Guutadda Soomaalida.

Dhinaca kale, Motorola, ayaa ujeedka magaca Guutadda Soomaalida ku sheegay mid uu kaga turjumaayo geesinimada Soomaalida, isagoo carab dhabay in Soomaalidu ay ku wanaagsan yihiin dagaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com