Cabdi Weli Gaas oo safar aan ujeedkiisa la shaacin ku aaday dalka Itoobiya!

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa ka dhoofay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Mudug isagoo u safray dalka Itoobiya oo maalmihii dambe isdaba joog u aadayey.

Ujeedka uu Cabdiweli Gaas u aaday dalka Itoobiya ilaa hadda lama shaacin, sidoo kalana madaxweynaha wax war ah ma uusan siin saxaafadda, taasoo keentay shaki ku aadan ujeedka safarka Gaas ee Itoobiya.

Warar aan la hubin oo ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegayo inuu Madaxweynaha halkaas uga qeyb geli doono shirka la filayo inuu ka dhaco dalka Itoobiya, kaasoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn waxa looga hadli doono.

Gaas waxaa safarkaan ku wehlinayo Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdiweli Indho Guran, waxaana la filayaai inuu shirkaad kala qeybgalo.

Madaxweynaha Puntland ayaa maalmihii dambe caado ka dhigtay inuu u safro dalka Itoobiya iyadoo wararka qaar ay sheegayaan inuu halkaas u aado arrimo lagu dhibayo dowladda cusub ee Soomaaliya, iyo sidoo kale inuu Itoobiya u fududeeyo dano Khaas ah oo ay ka leedahay Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com