Faahfaahin ku saabsan khasaaraha qaraxii Beledweyne + Sawirro

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo duhurnimadii maanta ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa is-miidaamin ayaa waxaa loo adeegsaday baabuur xamuul ah oo laga soo buuxiyay walxaha qaraxa, wuxuuna ka dhacay xaafadda Nuur Xawaad, gaar ahaan nawaaxiga Warshadda Cabitaanka Horseed.

Wararka ayaa sheegaya in goobta uu qaraxu ka dhacay ay u dhowdahay bar-koontarool, sidoo kalena ay ku yaallaan goobo ganacsi iyo maqaayado ay ku sugnaayeen dad badan.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay ugu yaraan illaa 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen 20 kale oo u badan dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Sidoo kale waxaa jira burbur xoogan oo goobta soo gaaray, sida ay muujiyaan sawirro hadda laga soo qaaday magaalada Beledweyne oo ah halka uu weerarka ka dhacay.

Ciidamadda booliska magaalada ayaa durba tagay goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka bilaabay howl-galo la xiriira kooxihii ka dambeeyay weerarkan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cabdullahi Sufurow oo goobta kula hadlay Wariyeyaasha ayaa musiibo ku tilmaamay dhacdadan, wuuna sheegay in aan kasoo koobi karin khasaaraha ka dhashay qaraxaan oo isugu jiro naf iyo maal.

Beledweyne ayaa waxaa horay weeraro xoogan oo qaraxyo ah uga fulisay Al-Shabaab, maadaama magaaladan ay xudun u tahay kacdoonka ka dhanka ah kooxdaasi.