24.4 C
Mogadishu
Friday, August 22, 2025

Faahfaahin: Qarax ka dhex dhacay xarunta gobolka Banaadir iyo Yariisow oo dhaawac ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa maanta ka dhacay gudaha xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay khasarae isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay xilli uu shir u socday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid Guddoomiyeyaasha degmooyinka, kaasi oo lagu magacabao shirka Tubaha Qaranka.

Qaraxa ayaa waxaa sababay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo gudaha xarunta ku jiray balse ma cadda inuu ahaa qof soo galay ama qof horey ugu sii jiray.

Qaar kamid ah shaqaalaha Aqalka dowladda Hoose, ayaa sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay qaraxa, kaasoo gaaray qaar kamid ah shaqaalaha xarunta iyo mas’uuliyiin.

Wararka la helayo waxa ay sheegayaan inuu dadka dhaawcamay ku jiro Gudoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow, kaasoo u muuqday inuu ahaa bartilmaameedka weerarka.

Saraakiil ka tirsan Ibsitaalka Digfeer ayaa sheegay in Isbitaalkooda la geeyay dhaawaca Duqa Caasimada iyo xubno kale, kuwaasoo xaaaldooda lala tacaalayo.

Qaraxan ayaa imanaya saacado yar uun kadib markii Wakiilka Qaramada Midoobe u qabailsan Soomaaliya James Swan uu kula kulmay Gudoomiye Yariisoow Aqalka dowladda Hoose.

Wixii kusoo kordha ha ka fogaan Caasimada Online, Insha Allah

Caasimada Onlien
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News