Wararkii ugu dambeeyey qaraxa gobolka, xaaladda Yariisow iyo guddoomiyeyaal dhintay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya qaraxa ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ayaa sheegaya inay jiraan dhimasho iyo dhaawac badan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow ayaa la sheegaya in dhaawaca gaaray uu yahay mid culus, islamarkaana la geeyey isbitalka Digfeer ee magaalada.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya inay dhinteen qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, oo ay ka mid yihiin kuwii Cabdicasiis iyo Waaberi.

Qaraxa ayaa dhacay xilli uu shir u socday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid Guddoomiyeyaasha degmooyinka, kaasi oo lagu magacabao shirka Tubaha Qaranka.

Wixii kusoo kordha ha ka fogaan Caasimada Online, Insha Allah

Caasimada Onlien
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com