Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta mar kale uu dagaal dib uga qarxay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa ka soconaya Xaafadda Howlwadaag ee Galbeedka Magaalada Baladweyne.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka Rasaas culus la isku weedaarsanayo , waxaana la tilmaamayaa in xaalad cabsi ay soo food saartay mar kale shacabka lagu dul dagaalamayo.
Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha ciidamada Gobolka ayaa ku fashilmay wax ka qabashada dagaalkaan, marka laga soo tago in baaq kaliya ay Warbaahinta ka jeedinayan.
Dagaalka hadda socda ayaa waxaa ku dhintay ilaa Seddex ruux, halka dhaawacana uu gaarayi Shan.
Isbitalka Magaalada Baledweyne ayaa waxaa la gaarsiiyay dhaawacyo kala duwan oo ka dhashay dagaalka maalintii saddexaad ka socda Magaalada Baledweyne.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

