29.2 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Sawirro: Jawiga Masar oo kacsan maanta iyo diyaarad la la’ yahay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Diyaaradda Egypt Air ayaa lagu waayay badda Medditerranean-ka, markii ay ka soo duushay dalka Faransiiska, kuna sii jeeday magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Diyaaradan ayaa laga waayay Raadaarka, xilli ay mareysay Badda Meditarrean-ka, isla markaana 10 Mile u jirtay Hawada Masar.

Shirkadda Diyaaradaha EgyptAir ayaa sheegtay in diyaarada laga yaabo inay ku bur burtay Badda Meditarrean-ka, isla markaana muddo 20-daqiiqo ka hor lagu waday inay caga dhigato garoonka diyaaradaha magaalada Qaahira.

Wakaalada Wararka Mareykanka Ee AP ayaa soo qortay in saraakiisha Dhinaca hawada ee dalka Masar ay xaqiijiyen iney burburtay diyaaradii Egyptair ee ka soo duushay magaalada Paris kuna socotay Qaahira.

Manuel Valls oo ah Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska ayaa sheegay iney diyaar u yihiin iney ka qeyb qaatan howlgalka lagu raadinayo diyaarada maqan haddii Masar ay ka codsato.

Sido kale Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande waxa uu taleefonka kula hadlay dhigiisa Masar Cabdi Fataax Al Sisi,waxa ayna isku raacen iney si dhaw uga wada shaqeeyan arinta Diyaarada la waayay.
masar1

masar2

masar3

masar4

masar5

masar6

masar7

masar8

masar9

masar10

masar11

masar12

- Advertisement -

Read more

Local News