Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degay Wafdiga 15-ka Xubnood ee Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ee maalmahaani la saadaalinaayay imaanshiyahooda.
Ujeedka imaanshiyaha wafdigaani ayaa ah u kuur galida hanaanka doorasho ee la filaayo in dalka uu ka dhacdo dabayaaqada sanadka aan ku jirno.
Wafdigaani ayaa durbadiiba kulan degdeg ah la qaatay Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte.
Carte ayaa warbixin kooban kasiiyay Wafdiga taa oo ku saabsan halka ay Dowladu wax marineyso iyo waxyaabaha qabyada u ah ee iminka horyaal.
Wafdiga oo horay xogo uga sii heystay arrimaha doorashada ayaa soo dhaweeyay macluumaadka dheeriga ah ee uu bixiyay Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte.
Sidoo kale, Wafdigaani ayaa lagu wadaa in isla maanta ay la kulmi doonaan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka oo ay kala hadli doonaan arimaha doorashooyinka iyo caqabadaha hortaagan.
Dhanka kale, Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaaraha dalka ayaa iminka ku sugan Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay Xildhibaanada kula hadlayaan.





