26.4 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Faa’iidada aan lagu baraarugsaneyn ee laga helay hirgelinta e-Visa

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in faa’iidooyinka laga helay hirgelinta nidaamka cusub ee fiisaha elektaroonigga ah ee e-Visa ay ka mid tahay sugidda amniga.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in tan iyo markii la hirgeliyay nidaamkan la xakameeyay dhaq-dhaqaaqii socdaal ee kooxaha argagixisada, gaar ahaan ajnabigii kusii qul-qulayay buuraha Calmiskaad ee ururka Daacish.

Nidaamkan ayuu sheegay inuu yareeyay ajaanibtii badnayd ee dalka iska soo geli jirtay, isla markaana aysan dhicin in qof kamid ah kooxda Daacish oo dalka soo galay wixii ka dambeeyay dhaqan-gelinta e-Visa.

“Waad aragteen sooma ahan buuraha Puntland oo lagu qabtay baasaboorro ajaanib ah oo u badan Carabta, kulligood waxa ay ku yimaadeen diyaarado, inta uu shaqeynayo adeegga e-Visa hal qof oo Daacish ah oo diyaarad soo raacay majiro,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Sidoo kale, wasiirka ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya in nidaamkan qolo gaar ah culeys lagu saarayo. “Yaan la cusleysan e-Visa,” ayuu yiri Fiqi, maadaam uu dalka wax badan u taray.

Ugu dambeyntiina, wuxuu meesha ka saaray eedaha maalmihii dambe loo jeedinayay nidaamkan cusub, isagoo sheegay in uusan kala fogayn Soomaalida, balse uu xoojinayo midnimada iyo amniga guud ee dalka.

Nidaamka e-Visa oo xiisad xooggan abuuray tan iyo markii ay dhaqan-gelisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo uu dhaxay “xad-gudub sharci darro ah” oo lagu beegsaday nidaamka e-Visa, sida ay xaqiijisay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ee Soomaaliya.

Hay’adda oo maanta soo saartay war-saxaafadeed ayaa sheegtay in isla markiiba ay qaaday tallaabooyin deg-deg ah oo lagu hakiyay, laguna baarayo falkaas, si loo yareeyo saamaynta uu yeelan karo.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay arrintan siisay muhiimad gaar ah, iyadoo loo magacaabay guddi baaritaan heer qaran ah oo ka kooban hay’adaha amniga, khubaro caalami ah oo ku takhasusay forensic, iyo hay’addaha dowliga ah ee khuseeya ilaalinta xogta,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda.

Guddiga baaritaan ee la magacaabay ayaa waxay hay’addu sheegtay inay baaritaan qoto dheer ku sameynayaan baaxadda isku dayga xad-gudubka ah, halka uu ka yimid iyo saamaynta uu yeelan karo.

Hay’adda ayaa sheegtay in marka baaritaanka rasmiga ah la soo gaba-gabeeyo la soo saari doono warbixin dhammaystiran oo faah-faahinaysa natiijooyinka, xogta la xaqiijiyay iyo tallaabooyinka sixidda ah ee la qaaday.

“Hay’adda socdaalka waxa ay ka xun tahay dhacdadan, waxaana ay mar kale xaqiijinaysaa in ilaalinta xogta dadka iyo adeegyada qaranka ay tahay mudnaanta koowaad,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntiina, hay’adda ayaa sheegtay inay xoojinayso nidaamyada amniga dijitaalka ah, oo ay ku jiraan heerarka casriga ah ee xog ilaalinta iyo multi-factor authentication dhammaan adeegyada hay’adda.

- Advertisement -

Read more

Local News