Dowladda Soomaaliya iyada ayaa goosatay istaraatiijiyad ku dhisan midnimo iyo in aan la aqbalin in dalka la kala gooyo.
Sidaa darteed, dadka ka soo jeeda Somaliland ee ku jira loollanka aan sahlaneyn ee siyaasadeed ee Muqdisho yaalla, gaar ahaan kuwa u hanqal taagaya xilalka Federaalku waxay mudan yihiin in saamigooda ama ugu yaraan in ka daba dhow ay helaan.
Inkasta oo ay kaabayaasha siyaasadda ee reer Koofureedku uu haysto aanay ayaga u dhammeystirneyn, haddana waa in loo tixgeliyo xuquuqdooda muwaaddinnimo oo la siman muwaaddin kasta oo Soomaaliyeed. Weliba xilalka keliya ma ahan ee waa in lala wadaagaa deeqaha waxbarasho iyo takhasusyada maamulka iyo amniga.
Haddii la gacan bidixeeyo, waxay dhibcaha u sii kordhineysaa kuwa u ololeeya gooni isu taaggu in ay u quus gooyaan qofkii innaba rajo ka qabi lahaa midnimo.
Dhanka kale, ruug caddaaga reer woqooyi ee xilalka Qaran ee xag diblomaasiyadeed, xag amni, xag maamul iyo xag siyaadeed soo heyn jiray muddada dheer ee hadda ku sugan caasimaddu waxay mudan yihiin ka warqab, daryeel iyo ka talo gelin arrimaha dalka, siiba kuwa woqooyi.
Waa dad iyaga oo heli kara sida ay Soomaali badani sameysay in ay degaannadooda oo nabad ah ay ku noolaadaan, ka door biday in ay ka shaqeeyaan ama ay astaan u ahaadaan midnimada. Kuwaas oo qaarkood ay ku nool yihiin Hoteello. Qaarna ay naftooda ku waayeen. Kuna darso, ma ahan dad sugaya ama u diyaar ah in xilal loo magacaabo. Qaarkood nooc ay tahayba hore ayay u soo arkeen iyada oo tan maanta ka aqood iyo sharaf badan.
Ismaaciil Buubbaa oo ilaa horraantii sagaashamaadkii ka shaqeynayay midnimo, kana qeyb galay ku dhowaad shir kasta oo Soomaali ay isugu timid, noqdayna Ra’iisal Wasaare ku xigeen, dhowrjeerna Wasiir noqday ayaa ka huleelay Muqdisho. Waxaa ka horreeyay Axmed Samatar oo in badan u dooday midnimo, ahaa Xildhibaan Federaal ah, marna isu taagay Madaxweyne.
Cali Kahaliif Galaydh isaguna wuxuu ku tilmaamay in kala go’a dalku uu ka socdo Muqdisho.
Ma ahan in aan qiil u sameynayo Samatar iyo Buubbaa, muddicise kuma ihi. Sidoo kale, ma doonayo in aan halkan ku lafa guro sida ay aragtida Galaydh sax u tahay ama aanay u ahayn.
Weliba waxaan qabaa in sababaha ay labada mas’uul ee hore ay u faleen waxa ay faleen, Galaydh-na uu u yiri waxa uu yiri, aanay ahayn kuwo isku xaalad ah ama isku dan iyo ujeeddo ah, laakiin waxaan tuhunsan ahay in si uun la isu waafajin karo. Aragtideyda, waxaa dhammaantood ka dhex muuqda quus ama quus ku dhowaad mashruuca midnimada oo ay saddexduba si buuxda u aamminsanaayeen. Nin wax tari lahaa midnimada laakiin ka calool goostay waxba kuuma tareyso in aad ka gar hesho, haddii ay ujeeddadaadu tahay mudnimo.
In Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed dhowaan loo magacaabay General khabiir ah oo degaan ahaan ka soo jeeda Woqooyi waa tallaabo horusocod ah, waanan bogaadinayaa. Laakiin weli fari kama qodna.
Qormadan waxaan ku soo beegay xilli la hadal hayo in Dowlad Goboleedyadu ay kaalin ku yeeshaan soo xulidda xubnaha Baarlamaanka sannad ka dib howgeli doona. Waxaan ognahay in Dowlad Goboleedyadu ay ka dhisan yihiin koofurta oo keliya. Waxaan halis ugu jirnaa in aan yeelanno Baarlamaan ay xubnihiisa qaar ka mid ahi sheegtaan in la soo “doortay”, isuna arkaan in ay ka mudan yihiin Xildhibaanno safka dambe ah oo iyaga la soo “xulay”.
Waxayna taasi heer Baarlamaan gaarsiin doontaa, kala duwanaan keeni karta kala mudnaan Koofur iyo Woqooyi. Taas oo ah waxa ugu muhiimsan ee ay doonayaan walaalaha Somaliland ee qiilka u doonaya in ay reer woqooyi oo wadajira ay u caddeeyaan in gooni isu taaggu uu uga badiyo midnimada.
F. G. Somaliland waxaan ula jeedaa degaanka Gobollada Woqooyi ee Somaliya ee Ingiriisku gumeysan jiray ee xornimadana qaatay June 26, 1960. Somalia waxaan ula jeedaa Dowladda Soomaaliya.