Faallo: Siyaasi laba jinsiile ah dalka ma hoggaamin!

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda “Villa Somalia,” ayaa ku soo kordhiyay siyaasadda qaranka dood xiiso leh​, haddana timid waqtigii ku haboona.

Warku wuxuu ahaa, in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu si rasmi ah u celiyay jinsiyaddiisii labaad ee dalka Maraykanka.

Halka laga filayay inay doodda saldhigeedu noqdo, siyaasi ku fadhiya xafiiska ugu sareyo qaranka, haysashadiisa Jinsiyad labaad maxaa dan ah ee dalka ugu jira amase ku seegi karaa, ayaa dooddii noqot​ay mid fadhi-ku-dirir​, taasoo indhaha muwaadiniinta ka leexinaysa inay daawo u hellaan tuhumadda ay ka qabaan labo jinsiyad laha, ama labo shaati laha!

Haddii dib loogu noqdo taariikhda tixanaha ah ee Soomaaliya, maanta waa markii ugu badneed oo muwaadiniinteedu ay haystaan jinsiyad labaad.

Waxaa si fiican looga dheregsan yahay in seddax meelood labo meel xildhibaanadda labada aqal iyo golaha wasiiradda dalka ay haystaan jinsiyad labaad, haddana xaaladaas, waagii baryaba wey sii badan doontaa!

Shaki kuma jiro, in dalka uu ka faa’iiday dadkiisa labada jinsiyadeed leh dhaqaale, cilmi iyo waayo aragnimaba. Hase yeeshee, su’aashu waxay tahay, waa maxay xuquuqda uu u leeyahay qof inuu loo doorto xafiiska ugu sareya qaranka​, amase uu qabto jagooyinka u baahan in loo magacaabo qof la hubo daacadnimadiisa?

Jawaabtu waxay igula muuqataa, in qabashada (doorashada) xafiis sare ay tahay mudnaan gaar ah (privilage), oo aan ku xiraneyn u dhalashada dalka oo keliya.

Si aan taas u caddeyo, haddaba su’aasha taa xigtaa waxay tahay, miyeysan jinsiyad labaad u horseedi karin amase sababi karin khilaaf dan xafiis (conflict of interest)?

In muddo ah, siyaasiinta Soomaaliyeed waxay u arkayeen in jisiyadda labaad ay u sahleyso safaradda dibedda, una ilaalineyso xuquuqda (caafimaadka, waxbarashada, iwm) reerahooda (afada iyo caruuta) dibedda ku nool.

Hase yeeshee, taas lafteedu waxay dad badan u arkaan inay qayb ka tahay aafadda haysato dalka.

Dadka sidaas ku dooddaya, waxay ku eedeynayaan siyaasiyiinta haysta jansiyadaha badan, inay dan ka lahayn amase carqaladeeyaan xasiloonida dalka (amni, siyaasiyad, horumarinta adeega bulshada iwm).

Haddaba su’aasha waxay tahay, maxaa siyaasigu uu uga baahan yahay inuu haysto jinsiyad labaad asagoo u tartamaya inuu qabto xafiiska ugu sareeya dalka​, ama loo dhiibo jagooyinka amniga iyo dublamaasiyadda ee xasaasiga ah?

Walow, dastuurka ku meel gaarka ah uu oggol yahay haysashada jinsiyad labaad, haddana su’aasha​ waxay tahay, miyaan hoggaamiyaha dalka looga baahneyn inuu meesha ka saaro shaki ku saabsan halka ay daacadnimadiisu u jiifto (janjeertaa).

Marka meel la iska dhigo, in haysashada jinsiyadda Soomaaliga keliya keeni karto kalsoonida dadku ku qabaan hoggaankooda, haddana dhanka kale, faa’iidadda dalka ay u leedahay waxaa ka mid ah, kalsoonidda madaxda ay ku qabi karaan ama dowldaha kale ee heshiisyada la gelaya Soomaaliya.

“Tusaale, haddii masuul ka socda Soomaaliya haysto jinsiyada labaad heshiis la gelayo dal ay is hayaan dalka uu ka haysto jinsiyadda labaad, waxay u badan tahay in dowladdahaas uu la gorgortamayo u arkaan, qofka matalaya Soomaaliya ee haysta jinsiyadda dal kale mid aan sir lala wadaagi karin, waxna lala qabsan karin. Halkaas waxaa Soomaaliya ku seegaya wax badan!” sida uu yiri diblomaasi hawlgab ah oo magaciisa ka gaabsaday.

Haysashada madaxada sare jinsiyadda Soomaaliga oo keliya waxay u gacan banaanaynaysaa qaadashada go’aamo dalka iyo dadka wax tar u noqon kara! Doodda waa noo furan tahay…..

By: Tifaftiraha Jamhuriyadda

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid