Lafta Gareen oo shaaciyey xog ku aadan dilkii Marguus

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa si kulul uga hadlay dilkii shalay loo geystay allaha u naxariistee Marxuum Cali Aadan Marguus oo ahaa nin ganacsade ah.

Lafta Gareen ayaa ugu horreyn ka tacsiyeeyey geerida Marxuumka, wuxuuna sheegay inuu ka mid ahaa dadka hal doorka ee ku dhaqan deegaanada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale wuxuu shaaciyey in ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga ay ku lug lahaayeen  dilkiisa, islamarkaana ay ku raad joogaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Kuwa dilalka iyo dhibaatada geystay ee sida xun u fikiraya waa kuwo ka tirsan ciidamada, in Ummadda ay dib ugu soo noqdaan oo dhib u geystaan waa wax aan la aqbali karin, kuwa gacan ku dhiiglayaasha gacanta ayaa lagu soo dhigayaa, si loo maxkamadeeyo.” ayuu yiri Lafta Gareen

Dilka Marxuum Cali Marguus iyo dad kale oo la socday ayaa sababay in dagaal beeleed uu ka bilowdo duleedka magaalada Baydhabo, kaas oo isla shalay lagu dilay illaa 2 qof.

Marguus oo si weyn looga yaqaanay Koonfur Galbeed ayaa hore u ahaa siyaasi, wuxuuna soo noqday wasiir iyo xildhibaan, inkastoo markii dambe uu isaga baxay siyaasadda.

Dilkiisa oo salka ku hayo arrimo la xariira dhul ayaa ka dhacay beer uu ku lahaa halka loo yaqaano Maanya-fuulka oo u dhow magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo 
caasimada@live.com