Tiro yar mise tub toosan? !!!!!

Muran iyo dood ka dib, Madaxweynaha iyo Wasiirka koowaad  waxay soo bandhigeen tirada Wasiirrada ay ka koobnaanaysa Xukuumadda cusub, oo la isla gartay inay noqdaan toban Wasiir, markii horase dood ka dhalatay tirada, maadaama la masuugay tirada yaaranteeda, marka la eego inta loo bartay ama la bidhaansan karo.

Haddii laga gudbay is maandhaafkii ugubka ku ahaa labada mudane ee siyaasadda Soomaalida ku cusub, aanse ku cusbayn siyaasaddan cakiran, oo asal ahaanba aan la garayn xigmadda ka dambaysa, waxa keenay haddiiba la garan karo, maxaa yeelay bil ma wada shaqayn, haddana waxay nagu billaabeen khilaaf, niyad jab ka weyn ma jirto, waa meeshii laga yiri: “Meeshii Cir laga sugaayaa Ceeyryaamo ka timid!”.

Waxaan sidaa u leeyahay dad badan oo niyadsami ku hammiyey in ISBADAL dhacay baa jira, markase laga soo tago daacadnimada ay u dhaheen waxaa u wehliya duruufo qallafsan oo dalka ku soo maray, Kacaankii Luggooyo ee maalmahan la xusayeyna u gaystay, hadday dibadaha tageenna aan dayr fiican iyo daryeel wacan midna helin, dibna aaan loo soo gurya noqon karin, illeen Duqii waxaa ka daba maray lama arag iyo lama maqale.

haddaan maalin walba u joogno warin dhacdo, oo aannaan la imaan caqli aan ku miisaanno; sida, qaabka iyo hannaanku wax u dheceen ama loo dhahay, waxaa hubaal ah inay noqonayso: “Jugjug meeshaada joog!” maxaa yeelay HORE [AAYAHA] ma aannaan eegin, HADDA [XAADIRKA] ma aannaan eegin, SOOYAALNA ma aannaan eegin, oo ah hayaan hummaag ku jiro, oo afka ku haya haadaan iyo hawtul hamag aan cidina saadaalin.

Koobidda tirada Golaha Wasiirradu waxay qayb ka tahay dhammaystirka qaab dhismeedka Dawladda Soomaaliyeed, balse, taa macnaheedu ma ahan hadday tiradu toban ka badato in  dhismaha dawladda dhimaal ku dhacayo! Dhakafaarka ka sokow waaba haddii tirada yari aysasn sii kala dhantaalin dhursuggii shacabka.

Erayada qaar hore baa dad ugu sirmeen, qaarna waa isku sireen, dunida waxaa ugu xun waxa aad iska dhaadhiciso, ee aan waaqica iyo dhacdada midna lagu hayn, sidaa awgeed ayaan eraga TAYO cinwaanka qormada uga leexshay, maxaa yeelay, marka laga soo tago inuu yahay magac Urur, haddana, waxaa dadka la moodsiiyey in isticmaalka eragaa wax lagu soo kordhiyey ama uuba wax soo kordhinayo.

Maadaama afku hodan yahay ayaan TUB iyo TOOSNAAN u adeegsaday, maadama ay yihiin laba eray oo is dhammaystiRaya, haddana, aysan ka marnayn kan aan dawga laga leexshay awgiis aan u daayey, maxaa yeelay isu gaynta labada eray dhadhansigooda ayaa muujiya in ay jirto tamar dhan walba leh.

Marka la qiimeeyo Xukuumadda Saacid ee tobanka Wasiir ka kooban waxay kala noqonayaan saddax qaybood, oo kala:

  • Xertii Formaajo: marka laga soo tago magaca ay ula bexeen Xukuumaddii bilaha jirtay ee ay hoggaanka ku hayeen, dabadeedna u xuub siibtay Urur Siyaasadeed, ayaa waxay ku leeyihiin Golahan Wasiirrada cusub saddax Wasiir oo kala ah:
  • Maryan Qaasim: Wasiirka Horumarinta iyo Adeegga Bulshada. Maryan Qaasim waxay Xukuumaddii Formaajo ka soo qabatay:  Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska. Dhanka kale, waxay Guddoomiye ka tahay Ururka Tayo ee uu dhawaan Formaajo aasaasay.
  • C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi: Wasiirka Gaashaandhigga. Fiqi sidoo kale, wuxuu Xukuumaddii Formaajo ka soo qabtay isla Wasiirkii Gaashaandhiga.
  • C/laahi Abyan Nuur: Wasiirka Wasaaradda Garsoorka, Cadaalladda, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta. C/laahi wuxuu Xukuumaddii Farmaajo ka soo qabtay isla Wasaaradda Diinta iyo Garsoorka.

Magacyadan waxaa kaaga cad inaan la dabbaqin eraga ah ISBADAL, markase taa laga soo tago, weydiinta baa ah, maxaa keenay in ay soo laabtaan Wasiirradan hore xilka uga soo qabtay Xukuumaddii Formaajo? Haddiiba la soo wada laabanayo maxaa Xukuumaddii Gaasna mid ama laba looga soo xulan waayey? Mise qiimayn gaar ah baa  jirta, oo aan inaga noo muuqan? Oo haddaa maxay ku salaysan tahay? Waxaase hubaal ah in inta badani u guuxayeen Wasiirro cusub, aqriste, bals oo goob qormadii ahayd: “Haraadigu yuusan kala harin!” in kasta oo eraga HARAADI qalad laga fahmay!

  • Xerta DAM JADIID: in kasta oo magacyada qaar wali mugdi ku jiro, haddana magac aan mugdi ku jirin baa ah: C/kariin Xuseen Guuleed oo xubin sare ka ah Ururkan ka falliirmay Urur weynaha AL ISLAAX ee ku daaban IKHWAANKA dalka Masar, oo xarun ah Ururu Diimeedkaa.
  • Xerta u dambaysa waa xer aan si rasmi ah meelna loogu suntin wali, iyagana waqti ayaa noo sheegi doona waxa ay yihiin ama noo caddayn doona waxa ay noqdaan!

Intaa ka gadaal, waxaa guul lagu tilmaamay in laga gudbay nidaamkii afar iyo bar, ee uu ku dhisan yahay Baarlamaanka la sugayo inuu ansixiyo Xukuumaddan cusub, marka laga soo tago in si siman loo qaybshay Golaha Wasiirrada, oo beel walba la siiyey laba Wasiir, taa oo dad badan u arkeen inay tahay caddaalad soo iftiintay, aanse ahayn, oo wali lagama gudbin afar iyo bar.

Ka sokow in beelaha laba Wasiir la siiyey, oo halkaa ka muuqdo si garba siman ah in wax loogu qoondeeyey, waxa jirta dhako qarsoon oo aan wali wada la fahmin, waxaase la doonayaa in nalaga gado in si siman wax loo qaysbaday, inaan si siman wax loo qaybsan waxaa u daliila sidan: LABA WASIIR+ MADAXWEYNAHA, hal beel baa leh. LABA WASIIR + RA’IISUL WASAARAHA, hal beel baa leh. LABA WASIIR + GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA, hal beel baa leh. Halka beelaha kale ay heleen laba Wasiir oo qura, haddaba sinnaan ma la dhihi karaa? Hubaal inay ka duwan tahay qaabkii hore.

Dhanka kale, Maamulka Bari ee uu hoggaansho mudane Faroole ayaa hore u sheegay inay soo samaysanayaan LACAG u gaar, haddana, waxaa xilka Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorsheynta lo magacaabay Wasiir ka soo jeeda deegaanka Bari, haddaba, saw uma eka in riyadii Maamulkaa hirgalinteedu soo muuqato? Maadaama aan hore u aragnay masuuliyiin deegaankaa ka soo jeeda oo lagala kulmay falal eex qayaxan ah, sida heshiiskii Gaalkacyo ee uu saxiixay Ina Sharmarke iyo hab dhaqakii Gaas oo uu Gen. Dhaga badan Abaan duuliyaha Ciidanka Qaranku ku yiri: “C/weli Gaas waa Professor Qabyaalada ku Qalinjabiyay!

Dhanka kale, Wasaaradahan la dhisay waxaan lagu darin laba Wasaarad oo dal iyo dad walba muhim u ah, waxayna kala yihiin WASAARADDA CAAFIMAADKA IYO WASAARADDA WAXBARAHADA, midda hore waa Fayo dhawrka wax walba oo la xiriira caafimaadka aadaha, tan kale,waa agabka weeleeya TAAGTADA la soo dhaafay, TAAGANTA la joogo  iyo TIMAADDADA imaanaysa, si qofku u garto waxa uu soo maray, waxa uu ku sugan yahay iyo waxa sugaya.

Haddii tiro la yarayn karo ama la badin karo, mar walbana duruufta aad ku jirto ku xakamaynayso, waxaan marna laga maarmayn waa FAYO DHAWR iyo WAXBARASHO, oo asal ahaanta  nolosha ay u tahay ka sokow, haddana u ah aasaas, oo carruur kasta wuxuu u baahan yahay waxbarasho, halka noole kasta u baahan yahay caafimaad.

Haddi tiradii la yareeyey, haddii sida la yiri beelihii la simay, aysanse sidaa ahayn, haddii magacyadii la soo bandhigay, waxaan sugnaaba waa ansixinta Baarlamaanka, oo run ahaan guux badani ku dhex jiro, oo ku aaddan in aysan ku qanacsanayn tiradan yar ee lagu soo koobay Wasiirrada, oo dabcan qaar badan oo ka mid ah ay donayeen inay iska dhex arkaan dhismaha Golaha Wasiirrada.

Haddii laga soo gudbay caqabaddii qancinta beelaha, waxaa haray dadyow aan lagu qanicin karin wax aan beeso ahayn, illeen iimaan kale oo ay rumaysan yihiin ma jiree, diin kalana ma lahane, waa imtixaankii koowaad ee Baarlamaanka la marsiiyo, laguna ogaan lahaa waxa uu yahay, hadday ansixiyaan ma ahan inay ka dhigan tahay dad wanaagsan yihiin, ee waa sida ay ula falgalaan hannaankan cusub ee socod baradka ah.

Ugu dambayn, waxaan ku soo gaabinaya Shiribkan aan curiyey markii aan arkay dhismaha Golaha Wasiirrada waana sidan:

Tiradu hayska koobantee , Tafaraaruq ma ku tagaa?

Toban Wasaaradoon Tacliin lahayn, Tuugiyo Jahliyeey tarmee!

Fayadii waa la tuurayoo, Tuf iyo Tiibashaa tarmee !

Toban Wasiir la soo tubyee, halkoo Tariiq ma noo tolaan?

Toban Wasiir tiro ku koob, Taariikh gashee ma toosismee?.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan