Faallo: Muqdisho & Maalin Roobaad

Muqdisho (Caasimada online) Magaaladu Waa Muqdisho,  Maalintuna waa Sabti, Roob ayaa Da’aya Cirka Waxaa ku xeendaaban Daruur Madoow, waxaa Dhinacyada kaa soo galaya Hawo yar oo Qabow Macaan ah, qofna ma jecla in maalintaa oo kale uu Shaqo u baqoolo aniguna qeyb ayaan ka ahay dadkaa, waxaase jiri kara kuwo badan oo iga fikir duwan.

“Alle ayaa Mudan in looga mahad celiyo nicmadiisa” Maanta oo kale qaar dadkeena kamid ah iyo guud ahaan caalamka waxay xiiseeyaan inay ku qubeystaan Biyaha Dhibcda  roobka caruurtuba ha u badnaadeen .

Waxaase jira kala fikir duwanaan ku saleysan Basharitada ama Bini aadanimada ah isku aragtina maaha Bulshada oo Idil, maanta oo kale dad ayaa Jecel inay sii dheereystaan Hurdada aniguna qeyb ayaan ka ahay.

Salaadii Subax ka dib waxaa sii xogeystay Roobkii  Waxaan Bilaabay inaan Jiifa Sii Dheereysto anigoo ku fikiraya mar hadii maalin Roobaad ay tahay  inay tahay mid Fursad ah , hayeeshee Miriro ka dib waxaa maankeyga ka guuxay inaan midaasi Mudneyn Nolol maalmeyd iyo Gudashada Waajibaadkeyga Shaqo la iga Sugayo .

Waxaa ila dheeraaday Waaga Waxaana wali Socda Roob umuuqday mid Gaba gabo ku dhaw ama qayoonaya, Saacudu waxay is gurto wlai anigoo Jooga Hoygaan ku noolaa waxaa la gaaray 07:35 Taas oo Murug  Cabsi  igu Beertay .

Rasmi ahaan Roobka ayaa istaagay 08:00 AM xilligaas oo  aan u baqoolay Socdaalkii n ku gaari lahaa Shaqada, Hayeeshee Soomaalidu waxay dhahdaa , “Adigoo Xumaa Xuun haku Qaniino wa dhibaato” Anigoo Daahsan ayaan la kulmay Wadooyinka qaar gaar ahaan tii aan Shaqad ku gaari lahaa oo Xiran.

Wadada Laamiga ah ee Gawaarida Isticmaasho  waxaa kugadaanaa Ciidamo Labisan Dareeska Booliska Somalia iyo Gawaarida u qaaska ah, qofna ma garan karo waxa wadada loo xitay qaar keen ayaa siyaab kala duwan u midneynayay arinta inkastoo xogta Xirnaan shiyaha wadada Ogaanshiyaheeda uu ahaa mid aad u adag.

Ciidamada Dareeska  ay xirnaayeen waxaa u dheeraa Jaakado Biyaha Celiya oo wata Koofiyado , taas oo muujineysa inay ogaayeen arintan una soo qalab qaaten , laakiin rakaabka gaariga aan saarnaa qofna ma wadan xitaa Daladda Roobka laga galo.

Amar ku aadan inuusan gaariga halka ay joogana soo dhaafin kari ayay Bixiyeen wadihii gaarigana wuu u hogaansamay waxayse arintaasi qasabtay in intaasi kadib aan cagaheena maalno .

Wadooyinka laamiga ah waxaa buux dhaafinayay Biyaha ka yimi Dhibacda Roobka hayeshee dadka ayaa ahaa ku isku ciriirinaya Qeybaha Marsha Biyoodiyada ah oo qaarkood dhawaan Turkiga uu dhisay.

Waxaan isku dayay inaan arintan ogaadoo hayeeshee iima aysan suura galin intii aan socdaalkeyga kaga soo gaarayay xaruntaan ka shaqeynayay,intaan wadada soo socdaalayay waxaa yimi roob yar Soomaaliduna ay u taqaan Fashiiq ama Xagaa .

Maadaama Ciidamada ay isku gadaameen Degmada Xamar weyne Wadooyinka Soo gala iyo ka baxa ayaan Taliyaha Booliska Degmada Xamar Weyne Maxamed Dahir,  wax ka weydiiyay waxaana uu ii sheegay inuu socdo howlgal lagu xaqiijinayo amniga , hayeeshee intaas iima uusan Dhaafin.

 Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com