Jowhar (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Dowlada Somalia ay ku hingowday inay qabato Doorashada Kursiga Beesha Jiidle ee dhawaan muranka galay.
Wararku waxa ay sheegayaan in Doorashadaasi uu faragalin baaxad weyn ku hayo Xildhibaan Faarax C/qaadir oo la sheegay inuu diyaariyay Ergo farabadan oo aan kasoo jeedin Beesha Jiidle kuwaa oo la doonaayo inay codka siiyaan Wasiir Nuux oo kursiga dartii u rasaaseeyay Ergooyinka iyo Odayaasha ku sugnaa magaalada Jowhar.
Doorashada oo lagu waday in maanta ay ka dhacdo Xarunta Ex School Polizio, ayaa waxaa la sheegay inay soo faragalisay QM, kadib markii la sheegay in Doorashada kursigaasi ay faragalin ku sameeyen Siyaasiyiin aan kasoo jeedin Beesha Jiidle.
Wararku waxa ay sheegayaan in Dowlada Somalia ay dhaqaale xoogan ku bixineyso si Wasiir Nuux oo danbi dagaal galay ay kusoo saari laheyd kursiga Xildhibaanimo.
Dowlada Somalia ayaa la sheegay in Doorashada Kursigaasi ay ka talaabtay xeerka Beesha Jiidle, waxaana arrinta Doorashadaani banaan joog ka ah dhammaan Odayaasha Beesha Jiidle oo sheegay inaanu waxba ka khuseyn Doorashada Kursigaasi oo aan xalaal aheyn.
Odayaasha Beesha Jiidle, ayaa mowqif ahaan meel ka istaagay Doorashada Kursigaasi kadib markii ay kawar heleen in Dowlada Somalia iyo Siyaasiyiin aan kasoo jeedin Beesha Jiidle faragalin adag ku sameeyen Kursiga.
Sidoo kale, Doorashada Kursigaasi ayaa waxaa banaan joog ka ah Siyaasiga la tartamaayay Nuux oo lagu magacaabo Musharax Axmed Sheekh Nuur (Cirro) kadib markii uu sheegay in Dowlada Somalia ay u dhar dhigatay faragalinta Doorashada.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa arrin nasiib darro lagu sheegay in Dowlada Somalia ay u kala xaglineyso Muwaadiniinta hadana wada dhashay.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]