25.3 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

Faarax C/qaadir oo qiray arintii lagu xaman jiray

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faarax Sheikh C/qaadir oo saaxiib dhow la ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa si cad u xaqiijiyay warar muddooyinkii la isla dhexmarayay oo ku aadan saaxiibada dhow ee ajaaniibta ah.

Isaga oo wareysi siinayay Universal TV ayuu qeybaha dhexe ee wareysiga wuxuu ku sheegay inuu saaxiib dhowla yahay madaxweynaha dalka, afhayeenka baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid  Cali.

Sidoo kale wuxuu banaanka keenay inuu xiriir la leeyahay rag ajaaniib ah oo uu sheegay iney ka wada shaqeeyaan danaha Soomaaliya, sida uu ku sheegay wareysiga lala yeeshay Faarax C/qaadir.

“Aniga wey cadahay inaan saaxiib la ahay Xasan Sheikh, waxaan kaloo saaxiib la ahay ra’iisul wasaaraha, afhayeenka baarlamaanka iyo dad kale oo ajaaniib ah oo badan”ayuu yiri Faarax C.qaadir.

Sidoo kale wuxuu wareysigaasi ku cadeeyay inuusan aheyn musharax madaxweyne maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyo doorashada dhamaadka sanadkaan ka dhaceyso Soomaaliya..

Faarax C/qaadir ayaa la sheegaa inuu saaxiib dhow la yahay Ethiopia, waxaana marar badan la arkaya isaga oo shirar gaar gaar ah iyo wadahadalo ay dhexmarayaan Generaal Gabra oo la aamisan yahay in Ethiopia u isticmaasho dhibaateynta Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News