27.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Xog ka cusub Sanduuqii Madoobaa ee Garacad

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garacad (Caasimada Online) – Dhawaan xeebta magaalada Garacad waxaa laga helay sanduuqa madow ee duuba dhaqdhaqaaqa diyaaradaha, kaasi oo ruuxii helay durba go’aan ku gaaray inuu yahay diyaaradii la weysan yahay muddo labo sanadood ah ee Malaysia Airline.

Gaashaanle Ciiraale, waa ruuxa helay sanduuqa madow ee diyaaradaha, waxaana dhawaan uu shaaciyay in sanduuqa uu ahaa midkii diyaarada Malaysia Airline ee la wayay labo sano ka hor.

Maxamed Mire Faahiye, wuxuu saaxiib dhow la yahay ganacsadaha helay sanduuqa wuxuu wareysi uu siiyay wargeys kasoo baxa dalka Malaysia uu sheegay inaan la cadeyn karin in sanduuqaasi loogu gudbiyay booliska iyo inkale.

Dhanka kale Afhayeen u hadlay hayadaha amaanka gaadiidka ee dalka Australia ayaa sheegay in agabkii laga helay Garacad uusan aheyn qalabka la raadinayay muddada labada sano ka badan.

Wuxuu sheegay in sanduuqa codka duuba ee laga helay xeebaha Soomaaliya inaanu aheyn mid haatan caalamka laga adeegsado oo uu u qaab eg yahay kuwii la adeegsan jiran lixdamaadkii ilaa todobaatamaadkii.

Si kastaba ha ahaatee, Diyaaradda Malaysia Airlines oo nooceedu ahaa Boeing 777 waxaa la waayey bishii Maarso 8-dii ee sannadkii 2014-kii, xilligaasi oo ay ka soo kacday Garoonka magaalla-madaxda dalka Indonesia ee Kuala Lampur, kuna sii jeeday Caasimadda dalka Shiinaha ee Pejing.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News