24.5 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Faarax Macalin oo kashifay danaha qarsoon ee Kenya ka leedahay Soomaaliya (Akhriso)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasi Faarax Macalin oo kamid ah siyaasiyiinta sida weyn kaga hadla arimaha Soomaaliya ayaa shaaciyay xogo la xiriira danaha Kenya ee Soomaaliya.

Faarax Macalin oo si qarsoodi ah cod looga duubay ayaa sheegay in Kenya Soomaaliya ay usoo gashay danaheeda gaarka ah iyo inay ka faa’ideysataa qeyraadka dhex yaala Soomaaliya.

“Aawey qiimihii iyo sharaftii umadda Soomaaliyeed” ayuu isweydiiyey isagoo intaa raaciyay in dalalka dariska ah aaney daacad ka aheyn gelintaanka iyo caawinta Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dalalka Kenya iyo Ethiopia go’aankooda uu yahay in ay burburiyaan isla markaana ay dhacaan dhulka iyo kheyraadka umadda Soomaaliyeed.

Faarax Macalin ayaa ahaa guddoomiye ku xigeenkii baarlamaanka Kenya xiligii ciidamada Kenya ay gudaha usoo galayeen dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News