FACEBOOK oo noqday maxkamad xilli NIN iyo NAAG ay isku furayaan

Haweeneey ayaa ka heshay maxkamadda ogolaanshiyo ah inay isaga furi karto ninkeeda keliya fariin ay kusoo qoreyso akoonkeeda mareegaha FACEBOOK.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda ayaa sheegay inuu Victor Sena Blood-Dzraku keliya xaaskiisa Ellanora Baidoo kula soo xiriiri jiray baraha bulshada iyo wicitaan qadka taleefanka ah.

Natiijadaas ayaa keentay in Ms Baidoo haatan loo ogolaaday inay ninkeeda isaga furi karto fariin gaar ah oo ay u dhigeyso mareegaha Facebook, sidaasi waxaa ku warameysa jariiradda Daily News.

Farriintaan ayaa Isbuuc kale lagu celin doonaa waxaana xitaa laga yaabaa inuu ku celisku gaaro seddax Isbuuc oo xiriir ah ama illaa uu arrinkaan ka ogaanayo Mr Blood-Dzraku.

Qareenka Ms Baidoo ayaa sheegay inay xeerkaan sameysay maxkamadda Manhattan Supreme Court Justice Matthew Cooper. Halka Attorney Andrew Spinnell uu sheegay in labadaan lamaane oo kasoo jeeda Ghana ay isku guursadeen xaflad dhacday 2009kii.

Laakiin xiriirkooda ayaa burburay markii uu Mr Blood-Dzraku ka laabtay ballan qaadkiisii ahaa inuu xaaskiisa ku guursado xaflad aroos ah oo loo soo agaasimay sida xafladaha aroos dhaqameedka dalka Ghana, sida uu halkiisa ku daray Mr Spinnell.

Sida laga soo xigtay dukumiintiyo ay heshay CNN, Ms Baidoo ayaa awood u leh inay ninkeeda warkaan ugu sheegto qadka taleefanka marka laga tago ogolaanshiyaha loo siiyey inay isaga furi karto fariinta ay u dhigeyso mareegaha Facebook.