Xudur (Caasimada Online) – Magaalada Xudur oo muddo sanado ah go’doon ku jirta, kadib markii ay kooxda Al-Shabaab ka xireen wadooyinkii geli lahaa, ayuu guddiga doorashooyinka kaga dhawaaqay daah-furka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.
Magaaladan oo haatan ku sugan yihiin Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxay halkaasi ka bilaabeen dardar-gelinta qorshaha doorasho ee ay riixayso Villa Somalia.
Gudoomiye Aadan Madoobe oo ay wehliyaan xubno ka tirsan ayaa daah-furay ololaha diiwaan-gelinta codxiyeyaasha gobolka Bakool, isagoo kasoo muuqday safafka dadweyne loo soo aruuriyay diiwaan-gelinta ay dowladdu ka bilowday Xudur.
Tan ayaa noqoneysa fadeexad hor leh, halka mas’uuliyiinta ugu sareysay deegaanka ay muujinayaan in aysan shaqadooda aheyn Xudur oo xor ah, balse ay keliya fiirsanayaan danaha siyaasadeed, ayagoo Madaxweynaha Soomaaliya la difaacaya qorshaha doorasho ee mucaaradka sida weyn uga soo horjeedaan.
Mas’uuliyiinta ayey aheyd in marka hore ay dadaal iyo juhdi badan ku bixiyaan sidii loo heli lahaa Xudur oo xor ah iyo guud ahaan gobolka Bakool, oo haatan shacabkeedu wajahayaan nolol adag, maadaama ay ku jiraan go’doon, ayna wax walba kasoo galaan dhanka hawada, taas oo cirka ku shareertay maciishada quuta-daruuriga ah.
Sida muuqata Madaxweyne Lafta-gareen iyo Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ku dhacay imtixaankii u dambeeyay, sida aan horey u baahinay, safarka labada mas’uul iyo wafdiga horkacayaan ayaa waxaa horyaallay sida ay fursadan uga faa’iideysan lahaayeen, maadaama ay marar hore oo tageen magaalada aysan u dhaqaaqin xoreynteeda.
Ku dhowaad laba sano kahor ayay ahayd markii isla magaalada Xudur ay isugu tageen Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Safarkaas ayaa xilligaas la sheegay in ujeedkiisu ahaa dardar-gelinta howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo markaas la filayay in Koonfur Galbeed uu ka billowdo wajigii ugu cuslaa ee dagaalka kooxda.
Hase yeeshe, nasiib darro ma dhicin sidii ay dowladda sheegtay, waxaana laba sano kadib la jooga halkii, iyadoo maanta uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu dhanka cirka kasoo galayo Xudur.
Tani waxay kordhineysa dhaleecaynta loo jeediyo madaxda dalka, oo lagu eedeeyo in aysan si dhab ah uga go’nayn dagaalka argagixisada, balse ay ka fiirsanayaan danahooda siyaasadeed iyo kuwa shaqsiyadeed.
Si kastaba, Xudur oo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee koonfurta Soomaaliya, ayaa muddo ku jirta go’doon adag, iyadoo kooxda Al-Shabaab ay ka hareereeyeen dhamaan afarta jiho ee magaalada, taas oo sababtay in shacabka magaaladaasi ay ku noolaadaan xaalad go’doon ah muddo ka badan toban sano.