Fadeexad musuq-maasuq cusub oo haysata DFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo dood ka yeeshay qaraar ka hadlayay qarashka iyo dakhliga dowlada Soomaaliya ee bilihii Janaayo ilaa maarso ee sanadkaan ayaa soo saaray qodobo dhowr ah.

Qaraarkaasi ayaa waxa soo diyaariyay gudiga maaliyada ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyaga oo ka eegay dhinacyo badan ayaa waxay soo saareen inka badan 20 qodob oo ka hadlay dhaqaalaha soo galay dowlada, kuwii la musuq maasuqay iyo dhaqaalaha qasnada dowlada ku dhacay,

Qodobka 16 qaraarka ay soo saareen gudiga maaliyada baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu amray hanti dhowrka guud ee qaranka inuu xeer ilaalinta u gudbiyo cadeymo la xiriiro 19 wasaaradood oo horey loogu eedeeyay musuq maasuq dhaqaale.

“Hanti dhowrka guud waxaa la farayaa  inuu kiisaska 19 wasaaradood oo horey musuq loo eegeeyay in  xeer ilaalinta qaranka ugu gudbiyo muddo 30 maalmood ah si arinta eedeynta baaritaan rasmi ah loogu sameeyo tallaabo ku haboonna looga qaado”ayaa lagu yiri qodobka 16 ee qaraarka gudiga maaliyada ee Baarlamaanka.

Sidoo kale qodobka 18 ee qaraarkaasi ayaa lagu sheegay in la lunsaday 500,000 “Shan boqol oo kun” oo doolar oo kamid aheyd hal milyan oo doolar oo dowlada Shiinaha ugu deeqday dowlada Soomaaliya sanadkii 2013, iyadoo dhaqaalahaasi la marsiiyay safaarada Shiinaha  ku leedahay dalka Kenya oo ku wareejisay safaarada dowlada Soomaaliya ee Nairobi.

Isla arintaasi ayaa waxaa la faray hanti dhowrka guud ee Qaranka inuu si deg deg ah ugu wareejiyo xeer ilaalinta qaranka Soomaaliya, si talaabo kale oo baaritaano ah loogu sameeyo arintaasi.

Dhacdada ugu foosha xun ayaa aheyd markii la waayay afar milyan oo doolar oo dowlada ay ka deynsatay shirkadaha Dahabshiil iyo Salaan Bank, waxaana kaliya qansada dowlada ku dhacday lix Milyan oo doolar, sida lagu sheegay qodobka 18 ee qaraarka ay soo diyaariyeen gudiga maaliyada ee baarlamaanka Soomaaliya.

“Gudiga maaliyada iyo qorsheynta baarlamaanka Soomaaliya, waxay warbixintoda halkaan ku lifaaqan kusoo cadeeyeen lacag dhan ($ 4,000,000) afar malyan oo doolar la waayay, taasoo kamid aheyd $ 10,000,000 (Toban malyan) doolar oo dowladu ka amaahatay shirkadaha Dahabshiil iyo Salaam Bank, hase yeeshee 6 (lix malyan) oo kaliya ayaa ku dhacday qasnada dowlada, inta kalana lama oga halkey mareen”

“Goluhu wuxuu hantidhowrku farayaa inuu kiiskan deg deg ugu gudbiyo xeer-ilaalinta qaranka si cidda ku lugta leh sharciga loo horkeeno”ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka gudiga maaliyada ee baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com