Xog: Ethiopia & Kenya oo qarka u saaran dagaal

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa ciidamo badan soo dhoobtay xuduuda ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Ethiopia, kadib markii askar u dhalatay dalka Ethiopia oo dhinaca iItoobiya kasoo tallaabay ay dileen askari Kenyan ah.

Ciidamada Kenya ay xadka soo dhoobtay ayaa la sheegay inay aadu huebysan yihiin, wacadna ku maray inay aargudan doonaan.

Dowladda Kenya waxa ay Ethiopia ka dalbatay in muddo 48 saac ah ay jawaab uga soo bixiso dilka askarteeda.

Dilka askarta dowlada Kenya loo geystay ayaa ka dambeeyay markii ciidamada dowlada Ethiopia oo baadi goobaya kooxo hubeysan oo dilay sarkaal Ethiopian ah ay iska hor imaadeen ciidamada dowlada Kenya kadibna ay is rasaaseeyeen.

Askarta dowlada Ethiopia ayaa isku hareereeyay xaafada oo ay muddo gacanta ku hayeen, iyaga oo halkaasi ka baadi goobaya koox ka tirsaneyd jabhada xorenta Oromada ee loosoo gaabiyo OLF.

Shan kale oo kamid ah ciidamada booliska dowlada Kenya ayaa lagu waayay weerarka ka dhacay deegaanka Sololo, iyadoo wali la baadi goobayo.

Ciidamada dowlada Kenya oo wata gaadiidka dagaalka sida taangiyo ayaa kasoo dhaqaaqay xerada ciidan ee ODHA iyaga loo daabulay dhanka deegaanka Sololo halkaasi oo xiisad ay ka taagan tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com