SAWIRRO: Wasiir si lama filaan ah iska casilay.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta ayaa aad u hadal heysa is casilaaad ay ku dhawaaqday Wasiiradda Dowlad Wadaajinta iyo Qorshaynta Kenya.

Wasiiradaani ayaa waxaa lagu magacaabaa Ane Waiguru waxa ayna si lama filaan ah isugu yeertay Saxaafada iyada oo halkaasi ka cadeysay in xiligaani iyo wixii ka danbeeya aysan aheyn Wasiiradda Dowlad Wadaajinta iyo Qorshaynta Kenya.

Saxaafada ayaa fagtii hore u yeeritaankooda mooday in loo qaban doono Shir Jaraa’id oo la xiriira arrimaha Kenya ka taagan balse waxa ay la kulmeen Iscasilaad deg deg ah.

Wasiiradda Dowlad Wadaajinta iyo Qorshaynta Kenya Ane Waiguru waxa ay sheegtay in iscasilaadeeda ay tahay culeys ka tan weyn oo ay kala kulantay Dowlada Madaxweyne Uhurro Kenyatta.

Ane Waiguru waxay sheegtay in warqadeeda istiqaalada ay u gudbisay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenya, islamarkaana ay kaga mahadcelineyso in warqadaasi uu ka guddoomo.

Haweeneydan, ayaa sheegtay inay qaadatay talo uu siiyay dhakhtarkeeda oo ah, in ay xilkaasi iska casisho, maadaama xanuunka haaya uu ka dhashay musuq maasuq lagu soo eedeeyay.

Ane Waiguru, ayaa si adag u sheegtay in lagu haysto oo qura Saraakiil ay ka hor istaagtey in ay musuq maasuq ku kacaan, islamarkaana ay wadaan dagaal iyada ka dhan ah, sida ay tiri.
1

2

3

4

5