Xog laga helayo dagaalka Galmudug & Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidamada Maamulka Galmudug iyo kuwa Puntland kaasi oo ka dhacay qeybo kamid ah Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa ahaa mid xoogan oo leysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaana lasoo warinayaa in dagaalkaasi uu ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Inta la xaqiijiyay dagaalka ayaa waxaa Maamulka Puntland uga dhintay ilaa 4 askari, halka Ciidamada Galmudugna looga dilay 2, waxaana wali halkaasi ka taagan saan-saan dagaal oo ay wadaan labada dhinac.

Dagaalka ayaa waxaa dhanka shacabka ku geeriyooday 4 ruux oo xiligaasi ku sugnaa Goobta uu ka qarxay dagaalka.

Dhanka kale, Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaaya in rasaasta xoogeeda laga maqlaayo qeybo ka mid ah Magaalada Gaalkacyo, iyagoo dadka degaanka ay baqdin ka qabaan in khasaaro uu ka soo gaaro rasaasta ay Ciidamada is weydaarsanayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com