Arag sawir argagax leh oo muujinaya ficillada ay Damul-jadiid kula dhaqmaan shacabka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Sawirkaani ayaa waxaa laga sameeyay Kooxda Damul-jadiid oo ah Xisbiga talada dalka haya.

Sawirka ayaa waxa uu muujinayaa silaca iyo saxariirta Damul-Jadiid ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, kadib markii ay u gacan galiyeen Africaanta isku baheystay ciribtirka Umadda Soomaaliyeed kuwaasi oo kala ah Kenya iyo Ethiopia.

Damul-jadiid waxa ay fududeyneysaa qaabkii lagu sii kordhin lahaa cadibaada Shacabka halka Dowladaha Kenya iyo Ethiopia-na ay sanka la raacayaan dhiiga shacabka.

Xigmada Sawirka ayaa ah arxan darada ku jirta Kooxda Damul-jadiid iyo garabka ay shacabka Soomaaliyeed ka raadinayaan, hayeeshe ma aysan suuragalin inay u arxan falaan sida Sawirka ku cad.
DULMI_2015