Xasan oo ku dhowaaqay shir lama filaan ah oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay DFS qaban doonto Shirweyne looga hadlaayo waxa ka qabsoomay Shirarkii Hiigsiga ee ku soo idlaaday Gobolada dalka Somalia.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in DFS ay diyaar u tahay inay dabagal ku sameyso wax waliba oo lagu sameynaayo magaca Dowlada, waxa uuna Tilmaamay inay aqbali doonaan natiijooyinka kasoo baxay ra’yi uruurinta laga sameeyay shacabka Gobolada dalka.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in dhamaan Gobolada lagu qabtay shirarkaasi ay u direen wakiilo ka socday Dowlada kuwaasi oo u kuurgalaayay rabitaanka iyo Ra’yiga Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Somaliya wuxuu sheegay Fikradaha ka soo baxay shirarkii Gobolada dalka ka dhacay in la isku weydiin doono Shirweynaha Qaran ee Somalia ka dhici doono.

Nuqul kamid ah haddalka Madaxweyne Xassan ayaa waxaa kamid ahaa “Warbixintan tii ka horreysay waxaan dadka u sheegnay in 16-ki bisha dalka meel kastoo ka mid ah loo safray loo wada dhaqaaqay deegaanadaasi dadka deggan iyo gudiyadi halkan laga diray iney si wada jir ah uga wada qeybgaleen wada tashiga Qaran ee looga wada tashanayay marxaladda isbedelka, waxaa Alle mahadiis ah oon rabaa dadka Soomaaliyeed inaan u sheego in wada tashigaasi uu si aad iyo aad u qurux badan uu u dhacay ”

Isaga oo intaa kasii ambaqaadayo hadalkiisa ayaa waxa uu yiri “Waxaa Dhawaan la qaban doonaa Shir weyn oo ballaaran oo isagana wixii Gobolada laga soo aruuriyay iyo wadatashigii wixii ka soo baxay la isugu keeni doono oo dib ergo heer qaran ah ay ka sii naqaashi doonto oo ay sii dhameystiri doonto.”

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan ayaa Umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay is dajiyaan oo aysan iska dhigin shacab aan dalka ka shaqeyn ra’yigooda amaba rabitaankooda waxa uuna ballan ku qaaday inuu qaadan doono aragtida shacabka.

Haddalkaani ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo dhawaan ay DFS shegtay dalka inaysan ka dhici Karin doorasho qof iyo cod, balse la baadigoobaayo nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa sanadka 2016-ka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com