26.3 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

FADEEXAD: Saraakiisha AMISOM oo arrin ceeb ah ay kusoo baxday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kampala (Caasimada Online) Qaar ka mid ah warbaahinta caalamiga ayaa baahiyay, warar fadeexad ah ku ah saraakiisha ciidanka AMISOM ee ka howlgala dalka Soomaaliya.

BBC-da, AFP iyo wargeyska sida gaarka loo lee yahay ee Daily Monitor oo ka soo baxa dalka Uganda, ayaa baahiyay maanta oo Talaado ah, in dowladda Uganda ay shaqada ka joojiyay 20-sarkaal oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Uganda, kuwaasoo ku sugan dalka Soomaaliya.

Saraakiishan ayaa qaab suuq-madow shidaalka iyo cuntada loogu talagalay ciidanka Uganda ee ku jira howgalka AMISOM uga iibin jiray shirkado si gaar ah loo lee yahay.

Qaar ka mid ah ciidamada Uganda oo la hadlay warbaahinta dalkooda waxa ay cadeeyeen in hal waqti la siiyo cunto.

Uganda waa Soomaaliya ka jooga in ka badan 6,000 oo askari, waa dalka ciidamada ugu badan ku deeqay howgalka AMISOM.

Dowladda Uganda, waxa ay lee dahay waxaan billownay baaritaan ku saabsan saraakiisha shaqada laag joojiyay.

Ciidanka AMISOM oo ka badan 18,000 oo askari waxaa dhaqaalaha ugu badan siiya Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay

Dhinaca kale, ciidamada AMISOM ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin wararka sheegaya in la iibsan jiray shidaalka iyo cuntada ee loogu talagalay ciidanka Uganda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News