28.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

DF iyo Yurub oo billaabay arrin aysan ku farxin doonin Somalida Yurub

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Illo-Xog-Ogaal oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa muujinaya in dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah waddamada Yurub in ay bilaabeen in ay dalka dib ugu celiyaan Soomaalida sharci darada ah ee ku nool Yurub.

Arrintan ayaa la ogaaday, markii maanta oo Talaado ah, garoonka diyaaradaha Muqdisho si qasab ah looga dajiyay wiil dhallinyaro ah oo laga keenay dalka Netherlands.

Wiilkan oo magaciisa ku sheegay Mahdi Axmed, wuxuu sheegay in isagoo gacmaha ka xiran xoog looga soo waday dalka Netherlands oo uu in muddo ah ku noolaa.

Wuxuu sheegay Mahdi in tan iyo sannadkii 2003-dii oo uu tagay dalka Netherlands in uusan helin sharci, isla markaana isaga iyo dhallinyaro kale ay bilaabeen in mudaaharaad ay ka dhigaan dalkaas, arrintaas darteedna looga soo waday dalka Netherlands.

“Anniga waxaa si qasab ah la iiga soo waday dalka Netherlands, waxaa la isoo marsiiyay dalka Turkiga, iyadoo lix boolis ah ay gacmaha iga soo xireen kuwaasoo maanta iga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana la igu wareejiyay IOM iyo laanta socdaalka” ayuu u sheegay Mahdi VOA-da.

Mar la weydiiyay wax yaabaha loo sheegeya intii loo soo waday Soomaaliya, wuxuu yiri “ Waxaa la ii sheegay in heshiis uu dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo waddamada Yurub kuwasoo isku raacay in dalka dib loogu soo celiyo Soomaalida sharci darada” ayuu yiri markale Mahdi.

Dhinaca kale, arrinta heshiiska dowladda iyo waddamada Yurub oo wax laga weydiiyay Taliyaha laanta socdaalka dowladda Soomaaliya, Cabdulaahi Gaafow Maxamuud, wuxuu sheegay in warkaas uu yahay mid been abuur ah.

Isagoo intaas ku daray in ninka maanta laga soo dajiyay Muqdisho iyo kuwa kale oo badan oo maalmahan la keenay garoonka diyaaradaha ay ahaayeen Soomaali soo qortay in Voluntary ama ay jecleesteen in dalkooda dib loogu soo celiyo.

Wuxuu beeniyay in dowladda Soomaaliya iyo waddamada Yurub aysan go’aan ku gaarin heshiis ah in Soomaalida sharci darada dib loogu soo celiyo waddankooda.

Wuxuu kaloo sheegay in qaar badan oo dadkaas ah oo qasab looga soo waday waddamo ay ka mid yihiin Netherlands dib loogu celiyay meeshii laga keenay.laakin kuwa badan oo waxaa jira ayuu sheegay markii la keeno Muqidsho, waalidkooda ama qaraabadooda yiraahda yaan la celin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News