Daawo Video: Faroole oo si xun loogu bah-dilay shirkii New Deal ee shalay

Brussels (Caasimada Online) – Dad badan ayaa isweydiiyay sababta Khudbaddii gaabneyd ee la sheegay in Madaxweynaha Maamulka Puntland uu ka jeediyay shirkii shalay ee Brussels oo caalamka dhan lagaga daawanayay si toos ah aan loo arag.

Midowga Yurub ayaa damiyey dhammaan kaamirooyinkii TV-gooda ee sida tooska ah u tabinayey shirka, si aan loo daawan khudbadda Faroole.

Wiil uu dhalay Faroole oo wafdiga ka mid ahaa ayaa waxaa qasab ku noqotay inuu Mobile-kiisa ku duubay khudbadii Aabahiis, iyadoo aan la ogeyn sababta loo soo saari waayay shaashadihii ay ka baxayeen khdubadihii kale ee Madaxda Midowga Yurub iyo Madaxda Dowladda Feederaalka.

Muuqaalkaan oo tayo ahaan aad u liito ayaa lasoo dhigay barta Youtube-ka taasoo lagu sheegayo iney tahay khudbadii shalay uu Faroole ka jeediyay shirkii Brussels.

Sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow xafiiska Faroole wuxuu caro ka muujiyay qaabka loola dhaqmay ee xanibaada la saaray khudbadiisa taasoo dad badan isweydiinayaan iyo mudo 10 daqiiqo ah oo la siiyay, waxaana la garab fadhiisiyay Axmad Madoobe oo labadooda ku hadlayay qaab maamul gobol ahaan.

Faroole wuxuu khudbadiisa shalay uu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin faragelin uu sheegay in lagu sameeyay Dasrtuurka iyo in qodobo kale.

Sida ay Caasimada Online xogta ku heshay, Faroole ayaa sameeyey dadaallo daqiiqadihii ugu dambeeyey ahaa oo uu kaga codsaday in loo ogolaado inuu shirka ka hadlo, isaga oo baar lagu cunteeyo intii lagu jiray break time ku qabtay madaxweynaha Yurub Manuel Borosso iyo u qeybsanaha arrimaha dibedda EU-da Catherine Ashton, sida aad ka arki kartaan sawirka hoose oo uu qaaday weriyaha Caasimada Online ee shirka.

Waxaa sawirka Faroole kula jira wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia oo ah qofka taagan dhinaca midig, oo Faroole uu ka codsaday inuu Midowga Yurub ku cadaadiyo in khudbad loo ogolaado, waayo ajendaha shirka iyo khubadaha kuma uusan jirin Faroole, sida ku cad qoraalkii EU-da ee ajendaha. HALKAN DHAG SII SI AAD U AKHRISATO JADWALKA SHIRKA

far3

Midowga Yurub, ayaa khudbadda Faroole waqti yar uga dhex raadiyey waqtiga loogu talay galay break-time-kii qadada, ayada oo sida ku cad video-ga markii khudbadda Faroole ay dhacday kadib loo kala kacay qado.

Weli dadka qaar ayaa shaki ka muujinaya sax ahaanshaha in khudbadda Faroole ay dhacday intii uu shirka socday, sababta ah oo shirka wuxuu ahaa mid live uu u tabiyey TV-ga Midowga Yurub, mana jirto qof aragto khudbaddaasi.

Faroole ayaa xubno ku dhow waxaa laga soo xigtay inuu sheegay in Midowga Yurub ay aad u bahdileen.

Waxaa sidoo kale uu ka carreysan yahay, sababta shirka dhan ay madaxda Yurub u inkireen in xittaa ay la hadlaan, oo ay intooda badan ku mashquuleen la macaamilka madaxda dowladda Somalia, taasi oo Faroole ku qasabtay in dhammaan intii uu socday shirka uu la socday wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia.farta5

mad far

Waxaa xusid mudan in website-ka TV-ga Midowga Yurub, oo lsoo dhigay dhammaan dhacdooyinkii iyo khudbadihii shirka aan lagu soo darin tan Faroole, haddiiba sida loo sheegay ay sax u tahay. Halkan ka arag

Waxaan idin soo lifaaqeynaa khudbadda Faroole iyo tii madaxweyne Xasan Sheikh oo guddoominayey shirka, waxaadna dareemi kartaan farqiga u dhaxeeye labada tayo ee video ee hoos ka arag.

Khudbadda Faroole

Khudbadda Madaxweyne Xasan

Caasimada Online

Xafiiska Brussels

Caasimada@live.om