Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Jimcaale Faarax ayaa shalay shaaca ka qaaday in la sii daayay Markab lagu qabtay Dekadda Muqdisho oo lagu soo eedeeyay inuu sharci darro uga kalluumeysanayay xeebaha Soomaaliya, isagoo caddeeyay in Maxkamadda Gobolka Banaadir ay sii deysay Markabkaasi.
Hanti dhowrka guud ee Qaranka Baarlamaanka hortiisa ka caddeeyay warkaasi wuxuu dalbaday xildhibaanada Baarlamaanka siiba Guddiga qaabilsan kheyraadka badda inay arrintan baaraan oo Baarlamaankuna dood ka yeesho.
Hanti dhowrka oo ka hadlayay shirka Baarlamaanka oo looga doodayay Hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud ee Qaranka wuxuu Baarlamaanka ku booriyay inay arrintan daba dagal ku sameeyeen, isaguna diyaar u yahay inay gacan ku siiyaan Baarlamaanka.
“Waxay ahayd in markabka la xukumo, kaluunka saaran ilaa 2 Milyan doolar ayuu gaarayay” ayuu yiri Nuur Jimcaale Faarax.
Isha: Goobjooge

