Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal iyo waxgarad maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ka dalbaday in Cabdikariin Xuseen Guuleed aan laga reebin xubnaha wasiirada cusub, islamarkaana ay iyagu aad ugu qanacsan yihiin.
Imaam Cabdulaahi Khaliif Cabdullaahi Rooble oo ka mid ah waxgaradkii kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in beeshood ay ku qanacsan tahay in wasiirka laga dhigo Cabdikariin Xuseen Guuleed, islamarkaana ay u arkeen shaqsiga beel ahaan matalaya.
“Dad cod leh ayaan nahay, dad diidi kara ayaan nahay hadii uu xun yahay ninka aan keensanay, ma aan diidin oo anaga ayuu noo fadhiyaa, marka aad bartilmaameed ka dhiganeysaan maxaa idiin ka galay, ma idinka sheerkiina ayuu ku fadhiyaa” ayuu yiri Imaamka.
Dhanka kale Odayaashaan ayaa sheegay in marnaba aanay qaadan doonin wasiir qabyo ah oo aan la kala qaadin wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga Qaranka, islamarkaana xilligaan la’isla xisaabtami doono waa sida ay hadalka u dhigeene.
Ugaas Saciid Ugaas Maxamed Ugaas Faarax oo ka mid ah mas’uuliyiintii kulankaasi ka hadlay ayaa isna dhankiisa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dib u heshiisiin ka gashay wasiir si gaar ah loo diido.
Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa horay isaga casilay wasiirka amniga xukuumadii uu hogaaminayay Cabdiweli Sheekh Axmed, waxaana wasiiradii uu dib ula laabtay Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ka ahaa Wasiirka u magacaaban arimaha gudaha.
Hoos ka dhageyso hadalladii laga jeediyey kullanka
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

