Ra’iisul wasaare Kheyre oo wax ka ogolaaday heshiiska ay Itoobiya saamiga ugu yeelaneyso dekadda Berbera

Dubai (Caasimadda Online)– Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa ogolaaday heshiis meel ku dhac ku ah qaranimada Somalia, meel ku dhacna ku ah dowladda federaalka, muujineysana faragelinta ay dowladda Imaaraadka Carabta ku hayso Somalia.

Imaaraadka Carabta ayaa shirqool siyaasadeed u dhigay Xasan Cali Kheyre, hase ahaatee lagama fileyn inuu ogolaado shirqoolkaasi loo dhigay oo uu ku ogolaaday in heshiiska dekadda Berbera dhaco, dowladda Itoobiyana saami ku yeelato halka dowladda Somalia ay banaanka ka taagan tahay.

Heshiiskaan oo dhacay 1-Marso, ayaa dowladda Itoobiya saami dhan 19% ku yeelan doontaa dekadda Berbera, halka maamulka Somaliland qaadan doono 30% inta soo hartayna oo ah 51% shirkadda DP World ee Imaaraadka la tegayaan.

Heshiiskaan oo lagu soo beegay xili Xasan Cali Kheyre uu ku sugan yahay Imaaraadka, sababta loogu casuumayna ay tahay in uu ogolaado oo cadaadis lagu saaro inuu dhaco heshiiskaan, taasoo uu si fudud u aqbalay. waxaase ay fadeexad iyo wajigabax ku tahay ra’iisul wasaare Kheyre inuu cod hoose ku ogolaado faragelinta qaawan ee Imaaraadka iyo meel ku dhaca qaranimada Somalia.

Warar hoose ayaa xaqiijinaaya in RW Kheyre loo gacan geliyay malaayiin dollar iyo balan qaadyo loo sameeyay, tasoo keentay in si fudud ku aqbalo heshiiskaan oo aan la ogeyn sida ay isku fahmi doonaan madaxda sare sida madaxweynaha iyo guddoonka labada aqal.

Baarlamaanka Somalia ayaa looga fadhiyaa tallaabada uu ka qaadan doono arrintaan foosha xun, hase ahaatee waxaa horay baarlamaanka u yiilay mooshino ka dhan ahaa heshiisyada Imaaraadka ee maamulka dekaddaha Berbera iyo saldhiga milatari ee uu ka dhisanayo, kaasoo hakad la geliyay kadib culeys madaxda sare lagu saaray inay arintaan laalaan.

Madaxda dowladda ayaa balanqaadyo dhaqaale ka hela Imaaraadka oo sameyn ballaaran ku yeeshay arrimaha Somalia, danahoodana si fudud u fuliya.