26.2 C
Mogadishu
Tuesday, November 25, 2025

Fahad oo tallo cajiib ah u diray R/W Xamza: Is-casil haddii aad kari weydo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray qoraal uu kula talinayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, xilli ay muddo kooban ka harsan tahay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Fahad ayaa Xamza kula taliyay in uu mansabkiisa ku badbaadiyo dalka, sida ra’iisul wasaareyaashii ka horeeyay, uuna xayndaabkii wada-ogolka kusoo celiyo Madaxweyne Xasan, balse haddii uu taas kari waayo uu xilka iska casilo.

“Mid waa inaad Madaxweyne Xasan, gacanta ka qabato oo aad gogol loo dhan yahay oo lagu heshiiyo keento. Taas haddii aad kari waydo, oo mansabkaaga aad dalka ku badbaadin wayso, fadlan, magacaaga ka dhawro oo xilka iska casil. Jannadii aad jeclayd halkaan bey kaaga dhaw dahay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Fahad.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

RW XAMSE: JIDKII JANNADA MISE JIDKII JAHWAREERKA

Hadalkii saakay ee Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaan daawaday. Wuxuu leeyahay, “kacaankii haduu fiicnaa, meeshuu ku dhameeyey muxuu ugu dhameeyey? Muxuu khaatimadiisa u hagaajinsan waayey?”

Haddeer, waxaan Mudane Xamse ku leeyahay, haddii aad madaxnimo rabtay waad gaartay. Haddii aad dooneysay inaad noqoto Raysal Wasaarihii ugu cimriga dheeraa Carta keddib waad noqotay.

Waxaan eegeynaa sida ay adiga khaatumadaada noqoto, saddex jid oo kaliya ayaana kuu furan.

Mid waa inaad Madaxweyne Xasan, gacanta ka qabato oo aad gogol loo dhan yahay oo lagu heshiiyo keento.

Taas haddii aad kari waydo, oo mansabkaaga aad dalka ku badbaadin wayso, fadlan, magacaaga ka dhawro oo xilka iska casil. Jannadii aad jeclayd halkaan bey kaaga dhaw dahay.

Midda ugu foosha xun, waa inaad dalka u burburiso adigoo ruux kale u aakhira seegaya. Jidkaas wuxuu ku soo dhammaan doonaa in Madaxweyne Xasan uu madaxaaga isku furta, xitaa haduu laba habeen xafiiska sii joogayo .

Tan saddexaad waa laba geeriyood.

Allow ma kula taliyay!

- Advertisement -

Read more

Local News