Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay arrinta markabka hubka ee dabka kusii shiday xiisadda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in laga gardaran yahay dowladda dhexe.
Fahad ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni aysan u kala saarnayn khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo awoodda sharci ee dowladda dhexe.
“Madaxweynaha Puntland Saciid Deni wuxuu musharax u yahay xilka madaxtinimada heer federaal, haddana wax qadarin uma hayo Dowladda Federaalka, isagoo Puntland kaliya xukuma haddii uu sidaas sharciga ugu tumanaayo maxaa laga filan karaa mustaqbalka?,” ayuu Fahad ku yiri qoraal cusub uu maanta soo saaray.
Dhinaca kale, Agaasimihii hore ee NISA waxa uu siyaasiyiinta mucaaradka ku dhaliilay sida ay uga aamuseen arrintaan xasaasiga ah. “Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, si sahal ah waraaqo wey u soo saari karaan marka ay kasbanayaan dareenka Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, laakiin wey ka aamusayaan marka Dowladda Federaalka laga gardaran yahay,” ayuu yiri.
Hoos ka aqriso qoraalka Fahad oo dhameystiran:
LABO FARRIIMOOD OO LA XIRIIRA MARKABKA HUBKA
Fariinta Koowaad: Madaxweynaha Puntland Saciid Deni wuxuu musharax u yahay xilka madaxtinimada heer federaal, haddana wax qadarin uma hayo Dowladda Federaalka, isagoo Puntland kaliya xukuma haddii uu sidaas sharciga ugu tumanaayo maxaa laga filan karaa mustaqbalka?.
Waa nasiib darro inaysan u kala saarnayn khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Madaxweyne Xasan iyo awoodda sharci ee dowladda dhexe.
Fariinta Labaad: Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, si sahal ah waraaqo wey u soo saari karaan marka ay kasbanayaan dareenka Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, laakiin, wey ka aamusayaan marka Dowladda Federaalka laga gardaran yahay.
Waa muhiim inay muujiyaan dareen qarannimo, ayna Dowladda Federaalka garab istaagaan marka la afduubanayo hanti ay Dowladda Federaalka si sharci ah ku fasaxday.