Fahad Yaasiin oo taliyaha NISA laga dhigay, iyo 3 taliye kale oo la magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka golaha wasiirrada maanta oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa lagu magacaabay taliyaasha ciidamada Difaaca, Nabad-sugidda, Booliiska Iyo Asluubta.

Golaha wasiirrada oo ka jawaabaya soo jeedinta wasaaradaha difaaca, amniga gudaha iyo cadaallada ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay magagaabista taliyayaasha ciidanka.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa si rasmi ah loogu magacaabay taliyaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA, oo muddo sanad uu ahaa sii-hayaha xilkaas, iyo agaasime ku xigeenka.

Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xajar ayaa loo magacaabay taliyaha booliska. Waxaa xilkan laga qaaday Jeneral Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.

Jeneral Odowaa Yuusuf Raage ayaa loo magacaabay taliyaha ciidamada xoogga dalka. Waxaa xilkan laga qaaday Jeneral Daahir Aadan Cilmi Indho-Qarshe

Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa loo magacaabay taliyaha ciidamada asluubta. Waxaa xilkan laga qaaday Jeneral Bashiir Maxamed Jaamac, Bashiir Goobe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com