Wiil uu dhalay Maxamed Siyad Barre oo geeriyooday

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya inuu geeriyooday wiilka madaxweynihii hore ee Soomaliya Maxamed Siyaad Barre oo lagu magacaabay Xasan Maxamed Siyaad Barre.

Xasan Maxamed Siyaad oo sidoo kale loo yaqaan Xasan Rubeeti ayaa mar ahaan jiray safiirka Soomaaliya ee dalka Cuman.

Waxa uu goordhow ku geeriyooday magaalada Masqad ee dalka Cumaan oo uu sanadihii u dambeeyey ku noolaa, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com