Haddii ay doorasho dhacdo maanta yaad u dooran lahayd Madaxweyne? (Codee)

Shabakada Somali Elections aya soo saartay doorasho nooca online ka taasoo lagu aruurinayo aragtida shacabka Soomaaliyeed. Waxaa lagu wadaa in ay doorasho ka dhacdo Soomaaliya dabayaaqada sanadka 2020 ama horraanta sanadka 2021.

Shabakada Somali Elections aya loo soo sameeyay xog uruurin si loo ogaado musharaxa ugu shaqsiyadda badan oo ay rabaan in shacabka in uu noqdo hoggaanka doorashada soo socota.

Usbuucii hore ayaa shabakada waxa ay cod online ah u qaaday shacabka Jubbaland waxaana ku guuleystay 63% codadka ay qaaday Somali Elections Musharax Axmed Madoobe oo helay 63%.

Doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo aya xildhibaanada Jubbaland aya waxa musharax Axmed Madoobe uu helay 73% codadka doorashada xubnaha baarlabaanka Jubbaland.

Haddaba shabakada Somali Elections ayaa usbuucan waxa ay cod u qaadeysaa afar ka mid ah musharaxiinta lagu wado in ay u tartamaan kursiga Madaxweynaha doorashada soo socoto.

Haddaba codkaada halkan ka dhiibo (Riix oo Codee)