Xisbiga WADAJIR oo war kasoo saaray doorashadii Kismaayo, eedeeyeyna DF

Muqdisho-(Caasimada Online)-Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu hambalyo ugu diray Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta markii Seddaxaad loo doortay inuu Jubbaland hoggaamiyo Afarta sano ee soo socota.

Xisbiga ayaa bogaadiyey shacabka iyo madaxda Jubbaland oo uu sheegay inay si nabad galiyo ah ugu soo dhamaatay doorashadii xildhibaanada iyo tan Madaxweynaha ee maanta dhacday, waxuuna sheegay Xisbiga Wadajir inuu u rajeynayo guul iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed Madaxweynaha cusub iyo golayaashiisa.

Xisbiga ayaa war-saxaafadeedkiisa ku dhaliilay dowladda federaalka oo uu sheegay inay ku howlantahay bur-burinta nidaamka federaalka, waxuuna sheegay inay dooneyso nidaam xarun dhexe ka talis ah.

Sidoo kale waxuu sheegay Xisbigu inay lama huraan tahay wada shaqeynta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada xubnaha ka ah, si ay iskaga kaashadaan la dagaalanka argagixisada iyo sidoo kale, dhinacyada diyaarinta doorashada 2020/21, dhismaha ciidan qaran oo AMISOM kala wareega amaanka dalka, deyn cafinta iyo qabyo tirka Dastuurka dalka.

Ugu dambayntii Xisbiga ayaa ugu baaqay dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Jubbaland inay wada hadal ku dhameeyaan khilaafka dhexdooda ah.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com