Xisbiga Xasan Sheekh oo u hambalyeeyey mid ka mida madaxweynayasha Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo maanta dib loogu doortay madaxweynaha Jubaland.

Qoraal kasoo baxay xisbiga UPD ayaa lagu sheegay inay boggaadinayaan sida hufnaanta leh ee guddiga doorashada Jubaland uu u agaasimay doorashada madaxweynaha ee maanta ka dhacday Kismaayo.

UPD ayaa ugu baaqay shacabka Jubaland inay ilaashaan nabaddooda islamarkaana ka feejignaadaan wax kasta oo halis gelin kara amniga iyo midnimada Jubaland.

Xisbiga UPD ayaan soo hadal qaadin xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo isna ay xildhibaannada is-beddel doonka ah u doorteen madaxweynaha Jubaland.