FIQI oo ka hadlay dib u doorashada A/Madoobe ee madaxweynaha Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online) ― Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Mudanayaasha golaha shacabka, isla markaana ah xildhibaan mucaarid ah ayaa ka hadlay doorashadii goor-dhoweyd oo maanta ah ka dhacday magaalada Kismaayo.

Doorashadan goor-dhoweyd ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa markii saddexaad dib loogu doortay Madaxweynihii hore ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay inaysan jirin cid ka taqaana baarlamaanka Jubbalanad hogaamiyaha ku haboon, hogaaminta maamulka Jubbaland, isagoona fariin bogaadin ah u direy Axmed Madoobe.

Hoos ka aqriso qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay Xildhibaan Fiqi:

“Hambalyo Madaxweynaha Cusub ee DG Jubaland Md. Axmed MAXAMED Islaam oo markii labaad loo doortay xilkaas.

Waa go’aanka wakiilada dadka Jubaland ay u gaareen deegaanadooda iyo dawlad goboleedkooda, mana jirto cid ka taqaan ayaga hogaamiyaha u haboon Jubaland.

Waa mas’uuliyad adag oo waqti adag loo igmaday madaxweynaha cusub ee Jubaland, hawlo badan oo hortabin leh ay horyaalaan sida midnimada dadka reer Jubaland, iyo tan Soomaaliyeed, nabadgalyada iyo adeegyada bulshada”.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com