Fahad Yaasiin oo u jawaabay Ra’iisul Wasaare ROOBLE (Aqriso warqadda uu u diray)

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin, ayaa ka jawaabay amarkii ra’iisul wasaare Rooble uu uga dalbaday warbixin ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Rooble ayaa shalay sheegay inuusan ka qancin sheegashada NISA ee ah in Al-Shabaab ay dileen Ikraan, oo aheyd gabar ka tirsan hay’adda NISA, wuxuuna dalbaday inay 48 gudahood ay madaxda NISA kusoo gudbiyaan warbixin dhameystiran oo ku saabsan kiiskan.

Warqad uu Fahad u diray Rooble, oo ay heshay Caasimada Online, ayuu dalbaday in la fariisiyo guddiga amniga qaranka, si uu warbixin uga siiyo arrintan. Golahan waxaa ku jira madaxweyne Farmaajo, Rooble, Taliyayaasha Ciidamada, Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhiga, iyo madaxda goboleedyada.

Fahad ayaa warqadda uu u diray Rooble ku yiri “Anagoo fulinayna amarkaaga, maanakana ku hayna xasaasiyadda kiiska sarkaal Ikraan Tahliil oo noqotay mid heer qaran, gudanayna waajibka naga saaran amniga qaranka, fahansanna in dhacdadaan ay si toosa iyo si dadban u khuseyso xafiisyo iyo hay’ado kale duwan oo dowladda ka wada tirsan, xaqna u leh inay ogaadaan xaqiiqda dhacdadaan iyo xogta ay xambaarsan tahay warbixitaan aad naga dalbatay, ayaan waxaan si sharaf leh kaaga codsanaynaa in aan warbixintaan ka horjeedino Golaha Amniga Qaranka oo wada dhan, oo ay xubno ka yihiin hay’addaha iyo xafiisyada ay arrintan khuseyso.”

“Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranku waxay codsi rasmi ah u dirtay madaxweynaha inuu fursad noo siiyo qabsoomidda shirka Golaha Amniga Qaranka, maadama uu yahay guddoomiyaha Golaha Amniga Qaranka, iyo Taliyaha Ciidamada Qalabbka Sida,” ayuu yiri Fahad.

Ma cadda sababta Fahad u diiday inuu warbixinta siiyo Rooble, waxaase suurta-gal ah inay tahay qorshe uu xubnaha kale ee guddiga amniga qaranka kaga raadinayo taageero iyo inay ku qancaan warbixinta, taasi oo gees u riixi karta Rooble.

La-taliyihii hore ee amniga qaranka Soomaaliya Xuseen Macallin ayaa arrintan ku macneeyey ila-meereyso cusub, oo uu Fahad ku doonayo inuu khilaaf uga dhex-abuuro dowladda.

Waxa uu sidoo kale sheegay in laga yaabo in isaga iyo madaxweyne Farmaajo ay isla ogyihiin qorshaha fariisinta guddiga. 

Hoos ka aqriso warqadda Fahad