CC Shakuur oo 3 macno ka bixiyey warqadda uu Fahad Yaasiin u diray R/W Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray aad ugu naqdiyey codsigii Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin uu u diray Ra’iisul wasaare Rooble ee ahaa in warbixinta kiiska Ikraan Tahliil ay NISA ku soo bandhigto kulan ay yeeshaan guddiga amniga Qaranka oo Farmaajo uu shir guddoon ka yahay.

Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka kooban lix qodob ayaa seddax qodob lagu naqdiyey codsiga Fahad, seddaxna qodobna talo loogu jeediyey Ra’iisul wasaare Rooble.

Hoos ka akhriso qoraalka CC Shakuur

Qoraalka uu soo qoray Fahad Yaasiin, Farmaajana la ogyahay nuxur sharci iyo mid dawladeed midkoodna ka maran, waana:-

1- Xaqiraad (contempt) iyo xagal daacin lagu sameeyey go’aankii Raysalwasaare Rooble.

2- Waa farsamo kale oo awooda dib loogu celinayo Farmaajo oo uu muddo xileedkiisii sharciga ahaa  dhamaaday, masuuliyada amniga dalkana meel fagaare ah Raysalwasaaraha kula wareejiyey.

3- Gole Amni Qaran meel iskuma sheego, shirna sanado iskuguma imaanin, ogta la siiyey Maxamad Mursal oo aan Golaha Amniga ka tirsanayna waa hanjabaad loo jeedinayo RW Rooble.

Haddaba maxaa Raysalwasaare Rooble la gudboon

1- Maadaama uu Fahad Yaasiin amarkiisii diiday, si toos ahna isku dhirririyey, waa in uu tilaabtii uu qaadi lahaa la sugin inta ka dhiman 48 saac.

2- In dhamaan dadkii kiiska ku lug lahaa tilaab laga qaado, lana xanibo.

3- In Guddi uu madax u yahay shakhsi khibrad iyo hufnaan leh loo magacaaba baarista kiiskan.

Shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan, gaar ahaan kuwo Muqdisho waa in aan xaqa ku garab istaagnaa Raysalwasaare Rooble, kana hortagnaa rajiimka fidno huriska ah ee gabalkiisu dhacay.