25 C
Mogadishu
Wednesday, July 9, 2025

Fahad Yaasiin oo weerar xun ku qaaday Cabdikariin Qalbi-dhagax – ‘Nacas nacfi leh’

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihi hore ee Hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda Dowlad-deegaanka Soomaalida, isaga oo weerar culus oo afka ah ku qaaday Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).

Fahad Yaasiin ayaa marka hore ka digay in  la burburiyo Jabhadda Xoraynta Ogaadeeniya, isaga oo xusay haddii arrintaas dhacdo ay keeni doonto taariikh xumo.

Sidoo kale, Fahad Yaasiin ayaa si toos ah Qalbi-dhagax ugu eedeeyay in loo adeegsanayo burburinta Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeeniya, isla markaana uu wado qorshe loo soo dhiibay, si uu fuliyo.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in ninkan horey loogu adeegsaay sumcad dilka Dowladdii Farmaajo iyo in lagu dhaawaco ololihii doorashada ee Xasan Cali Khayre, wuxuuna intaasi ku daray in markaa suu u shaqeynayay Sirdoonkii Tigreega.

“Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbidhagax), taariikhdiisa madaw waa dambe bey fahmi doonaan shacabku, haddeer se in yar unbaan ka dhahayaa. DORRAAD: Sirdoonkii Tigreega iyo shaqaalahooda ayaa u adeegsaday in lagu dumiyo sumcadda Maamulkii Madaxweyne Farmaajo,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Waxa uu intaas kusii daray “SHALAY: Qolo kale ayaa usoo adeegsatay si loogu dhaawaco olalaha doorashada Musharax Xasan Khayre ee maalmihii doorashadii madaxtinnimada ee 15/05/22: MAANTA: Nasiib darro, mar saddexaad baa haddana loo adeegsanayaa in lagu burburiyo Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeeniya. NACAS, NACFI LEH.”

Hoos ka akhriso qoraalka Fahad oo dhammeystiran:

NACAS NACFI LEH!

Jabhadda Xoraynta Ogaadeeniya, waa mid kamid ah jabhadaha ugu cimriga dheer qawmiyadda Soomaalida. Hannaankeeda gobonnimo-doon waa lagala hor imaan karaa doodo kala geddisan. Hase ahaato e, in la isku dayo in la burburiyo ama la kala diro waa isku day moora-duugid ku ah taariikhda ummadda Soomaaliyeed. Madaxda Dowladda Deegaanka ee maanta waxaa la gudboon inaysan taariikh xumadaas qeyb ka noqon.

Haddii lala xisaabtamayo ama la dhaliilayo ONLF, iyada oo is haysata oo midaysan gogosha wada hadalka hala soo fariisiyo. Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbidhagax), taariikhdiisa madaw waa dambe bey fahmi doonaan shacabku, haddeer se in yar unbaan ka dhahayaa.

DORRAAD: Sirdoonkii Tigreega iyo shaqaalahooda ayaa u adeegsaday in lagu dumiyo sumcadda Maamulkii Madaxweyne Farmaajo.

SHALAY: Qolo kale ayaa usoo adeegsatay si loogu dhaawaco olalaha doorashada Musharax Xasan Khayre ee maalmihii doorashadii madaxtinnimada ee 15/05/22.

MAANTA: Nasiib darro, mar saddexaad baa haddana loo adeegsanayaa in lagu burburiyo Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeeniya. NACAS, NACFI LEH.

- Advertisement -

Read more

Local News